Daawo: DF oo shaacisay 3 qodob oo ugu muhiimsan ajendaha shirka Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay ajendaha shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee berri ka furmaya magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Wasiir Daa’uud ayaa dul istaagay qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirka Baydhaba, kuwaas oo kala ah:

1 – Arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab, iyadoo la cadeynayo doorka ay dowlad goboleedyadu ku leeyihiin.

2 – Arrimaha maaliyadda dalka, gaar ahaan sidii loo mideyn lahaa nidaamka dhaqaale ee dalka, iyadoo la gorfeyn doono qaabka ay dhinaca dhaqaalaha uga wadashaqeynayaan DF iyo dowlad goboleedyada dalka.

3 – Iyo Arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo laga tashanayo nooca doorasho ee Soomaaliya loo jiheynayo, markii la gaaro sanadka 2026-ka, xiligaas oo muddo xileedka Xasan Sheekh uu ku egyahay.

“Soomaaliya waxay ka soo kabaneysaa burbur iyo dowlad la’aan ay muddo ku soo jirtay, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh shirkaan waa kii 5-aad oo wadatashi ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ajendayaasha shirarka madaxda dalka ay tixane yihiin, taas oo muhiim ka dhigeysa inay isku yimaadaan mar kasta oo xaalado ay soo kordhaan, si wadajir loogu xaliyo, iyadoo la daweynayo kala shakiga iyo kala qoqobka ay Soomaalidu ku soo jirtay mudada dheer.

Wasiirka Daa’uud oo la weydiiyey in la xaliyey tabashadii ay Puntland uga baxday shirkii hore ayaa sheegay in weli ay wadatashiyadu socdaan oo madaxdu ay xaq u leeyihiin inay la-tashiyo ka soo yeeshaan waxyaabaha ay go’aanada ka gaari waayaan.

Khamiista berri ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhaba uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaranka, halkaas oo maanta ay gaareen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha dalka, ku xigeenkiisa, duqa Muqdisho iyo Madaxweynaha Galmudug, horayna waxaa Baydhaba u joogay madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo galabta Baydhaba gaaray ayaa lagu wadaa in berri gelinka hore uu furo shirka, waxaa halkaas horay ugu sugnaa guddiyo farsamo oo fududeynaya ajendayaasha shirka madaxda.

Hoos ka daawo Wasiir Daa’uud Aweys