Shirka Golaha Wadatashiga oo maanta ka furmaya Baydhaba xilli ay Puntland..

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doono shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka.

Waxaa haatan Baydhaba ku sugan Madaxweyne Xasan Shkeeh, ra’iisul wasaare Xamza, ku xigeenkiisa, madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Duqa Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in madaxdaas uu ku biiri doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro Koonfur Galbeed.

Shirka Baydhaba ka furmayo ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, amniga, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada, si ay amniga u xoojiyaan inta uu socdo shirka.

Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka.

Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Deni ka dalbaday in shirweynahaasi uu xaadiro, isla-markaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha maamulka Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan.