Mareykanka iyo Ruushka oo markale ka dhex tafatay kadib diyaarad laga burburiyey

Washington (Caasimada Online) – Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay shalay Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah diyaaradahooda wax basaasa ee nooca drones-ka.

Waa markii ugu horreysay oo ay si toos ah ay iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo duullaanka Ruushkaha ee Ukraine sannad kahor.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaase beenisay hadalka Mareykanka, iyada oo safiirka Moscow ee Washington uu sheegay in dalkiisu uu u arkayay hadalka Mareykanka mid daandaansi ah.

Laba diyaaradood oo noocoodu yahay Su-27 oo Ruushku leeyahay ayaa fuliyay waxa ay milatariga Maraykanku ku tilmaameen fal-dambiyeed aan ka fiirsasho lahayn oo ay u geysteen diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay, xilli ay ku duuleysay hawada caalamiga ah.

Mareykanku waxa uu sheegtay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay shidaalka ku daadiyeen diyaaradda MQ-9 – lagana yaabo in ay isku dayeen inay ka dhigaan mid aan waxb arki karin ama ay waxyeeleeyaan.

Mareykanka ayaa si joogto ah gobolka uga sameeya duullimaadyo ilaalo ah, waxaana uu Ukraine ku taageeray balaayiin doolar oo gargaar milatari ah, inkasta oo Mareykanku aanu si toos ah uga qeyb qaadan dagaalka.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in 30 ilaa 40 daqiiqo ay ku qaadatay diyaaradaha Ruushka inay burburiyaan diyaaradooda, iyaga oo sheegay inay dhici karto in mid ka mid ah diyaarahada Ruushkana ay waxyeello soo gaartay.

Safiirka Ruushka u fadhiya Washington Anatoly Antonov ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka u yeertay, si ay su’aalo uga weyddiiso wixii ka dhacay Badda Madow, sida uu sheegay afhayeenka arrimaha dibadda Ned Price.