Maxaa looga baahan yahay inay sameeyaan madaxda ku shireysa Baydhaba?

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta shir ku leh magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan yihiin doodo waa weyn.

Shirkan ayaa waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Baydhaba, waxaana sidoo kale ka qayb-gali doono hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ka qayb-galka shirkan uu ku gacan seeray hoggaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha maamulka Puntland.

Haddaba Maxaa looga baahan yahay inay sameeyaan madaxda ku shireysa BAYDHABA?

Aqoonyahan Cabdimaalik Xuseen oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ka falceliyay shirka Baydhaba iyo waxybaaha laga filan karo inay kasoo baxaaan shirkaasi.

Cabdimaalik Xuseen ayaa shaaciyay in madaxda Golaha Wadatashiga Qaran looga baahan yahay inay is ogolaadaan, kadibna ay isku tanaasulaan, si ay go’aan wadajir ah u gaaraan.

“Shirarkan oo kale waa loo baahan yahay in la qabto aalaaba marka waxaa loo baahan yahay in maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ay is ogolaadaan, ay isku calool fiyoobaadaan, tanaasulaadna ay isku sameeyaanm,” ayuu yiri Cabdimaalik Xuseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Haddii wax la kala tabanaayo oo ay xurguf dhex taallo maamul goboleedka iyo dowladda federaalka shir kasta oo la’isugu yimaado mira dhali maayo, in go’aamadiisu dhaqan-galaan ayaan rajeyneynaa oo ay isku niyad furnaadaan”.

Waxa kale oo uu ka codsaday in madaxda ay diiradda saaraan arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.

“Waxaan u baahanahay in koonfurta laga cirib tiro Khawaarijta oo aan la dhayilsan arrintaas,” ayuu markale wareysigan ku yiri Cabdimaalik Xuseen.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray.