27.2 C
Mogadishu
Monday, May 18, 2026

Mareykanka oo Imaaraadka Carabta ku riixaya in ay qabsadaan Jasiiradda Lavan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ku dhiiragelinaya inay si weyn ugu lug yeelato dagaalka Iiraan, ayna qabsato mid ka mid ah jasiiradaha istaraatiijiga ah ee Tehran ay ku leedahay Gacanka, sida uu baahiyay wargeyska The Telegraph.

Qaar ka mid ah shakhsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweyne Trump ayaa soo jeediyay in Imaaraadku uu qabsado jasiiradda Lavan, taas oo horraantii bishii Abriil ay Imaaraadku ku garaaceen duqeymo qarsoodi ah, sida uu wargeyska u xaqiijiyay sarkaal sare oo hore uga tirsanaa dhanka amniga ee maamulka Trump.

“Orda oo qabsada!” ayuu yiri sarkaalkan. “Waxay noqon doontaa ciidamo Imaaraati ah oo dhulka ka hawlgalaya beddelkii ay ahaan lahaayeen ciidamo Mareykan ah.”

Dhiirigelintan ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan xoggo muujinaya sida uu Imaaraadku ugu milmayo dagaalkan 12-ka toddobaad socda, iyo xiriirka sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya Israa’iil.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in dagaalka iyo duqeymaha culus ee Iiraan ay ku garaacayso dalkan Gacanka dhaca ay dedejinayaan isbeddel weyn oo ku yimaada loollanka awoodeed ee Bariga Dhexe, taas oo gobolka u kala qaybinaysa isbaheysiyo iska soo horjeeda.

Imaaraadka ayaa dusha u ritay khasaaraha ugu weyn ee aargoosiga Tehran tan iyo markii Israa’iil iyo Mareykanku ay bilaabeen duqeymaha Iiraan dabayaaqadii bishii Febraayo. Wajahidda in ka badan 2,800 oo isugu jira gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), ayaa Imaaraadka u noqotay xaalad argagax leh oo lagu tilmaamay mid la mid ah “dhacdadii 11-kii September”, taas oo ku khasabtay boqortooyada inay dib u qiimeyso nidaamkeeda difaaca, isbaheysiyadeeda, iyo booska ay kaga jirto dunida.

Natiijada arrintan ka dhalatay ayaa noqotay in Imaaraadku uu sii laba-laabo xiriirka uu la leeyahay Mareykanka iyo Israa’iil, xilli uu wajahayo xiriir sii xumaanaya oo kala dhexeeya dalalka deriska ah, gaar ahaan Sacuudi Carabiya. Dagaalku wuxuu sii kala fogeeyay xukuumadaha Riyadh iyo Abu Dhabi, beddelkii uu isku soo dhaweyn lahaa dalalkan xafiiltama ee halista guud wajahaya. Sidoo kale, horraantii bishan May ayuu Imaaraadku go’aansaday inuu isaga baxo dalladda dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC oo uu Sacuudigu awoodda ku leeyahay.

“Mar kasta oo ay xaaladdani sii daba-dheeraato, waa mar kasta oo ay helaan waqti badan oo ay kaga fikiraan booskooda adduunka iyo kan ay ku leeyihiin Gacanka – waa kuma saaxiib, kumase ayaan ahayn,” ayay tiri Barbara Leaf, oo horay safiir uga ahayd Imaaraadka, kana warrantay wargeyska New York Times. “Waxay hadda wax walba u arkaan si aad u cad, in la yahay cadow ama saaxiib.”

Sida warbixinnadu xaqiijinayaan, Madaxweynaha Imaaraadka ayaa bilowgii dagaalka ka codsaday Sacuudiga iyo Qatar inay ku soo biiraan weerarro aargoosi ah oo laga qaado Iiraan, balse waa lagu gacan-seyray dalabkiisa.

Taas kadib, horraantii bishii Abriil, Imaaraadka ayaa si gooni ah u beegsaday bartilmaameedyo dhowr ah oo Iiraan leedahay oo ay ku jirto jasiiradda Lavan, in kastoo xukuumadda Abu Dhabi aysan weli si rasmi ah u qiran. Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tebisay in Sacuudigu isna dhankiisa uu duqeymo tiro badan ku qaaday Iiraan dabayaaqadii bishii Maarso.

Dhanka kale, xiriirka Imaaraadka iyo Israa’iil oo si rasmi ah loo caadiyeeyay sanadkii 2020-kii (Abraham Accords), ayaa si weyn u hanaqaaday intii uu dagaalku socday, xitaa iyadoo dalalka kale ee Gacanku ay cabsi darteed is-fogeeyeen. Waxaa soo baxday in Israa’iil ay Imaaraadka siisay nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome si uu uga hortago duqeymaha Iiraan. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu booqasho qarsoodi ah ku tagay dalkaas bishii Maarso, uuna la soo gaaray “horumar wax-ku-ool ah”, in kastoo Abu Dhabi ay beenisay in booqashadaasi ay dhacday.

Kaddib xogahan is-daba-joogga ah, Iiraan ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday in Imaaraadku uu yahay “saaxiib firfircoon oo qayb ka ah daandaansigan, shakkina uusan ku jirin arrintaas.”

Imaaraadka ayaa dhankiisa si adag uga jawaabay, isagoo ku gacan-seyray wax uu ugu yeeray “isku-dayga Iiraan ay ku caddaynayso weerarradeeda argagixiso.” Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in dalkiisu xaq u leeyahay “dhammaan xuquuqdiisa madax-bannaanida, sharciga, diblomaasiyadda iyo milaterigaba, si uu u wajaho halis kasta, sheegasho ama fal kasta oo cadowtinimo.”

- Advertisement -

Read more

Local News