Mareykanka oo ka digay weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan diyaaradaha

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday maamulka duulista hawada ee federaalka Mareykanka ee loo yaqaano (FAA) ayaa shaacisay suurta-galnimada weeraro ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadi karaan diyaaradaha isticmaala hawada dalka Kenya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in FAA ay heshay xog ku aadan weeraradaas oo ay damacsan-tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka fulisa dalka Kenya.

Sidoo kale Mareykankan ayaa digniintan la wadaagay dowladda Kenya, si ay u saameyso feejignaan dheeri ah, ugana hortegto qorshaha Al-Shabaab.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in weeraradan ay qatar ku noqon karaan duulimaadyada rayidka Mareykanka & kuwa dibadda & gudaha ee dalka Kenya.

“Xadgudubka Xagjirnimada ee kasoo gudbaya Xadka Soomaaliya waxa ay halis ku tahay duullimaadyada rayidka Mareykanka & kuwa dibadda & gudaha ah, waana in la ilaaliyaa hawada Kenya” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka duulista hawada ee federaalka Mareykanka.

FAA ayaa sidoo kale intaasi ku sii dartay in kooxda Al-Shabaab dhowr jeer ay ku hanjabtay in bartilmaameedkeedu yahay diyaaradaha caga-dhigta garoomada Kenya.

Ugu dambeyn warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u leedahay beegsashada diyaaradaha, islamarkaana ay heysato hubka culus, kuwa fudfudud oo ay qayb ka yihiin qoryaha lidka diyaaaradaha & sidoo kale kuwa garbaha laga tuuro intaba.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa hore weeraro khasaare xoog-leh geystay ka fulisay Kenya, waxaana ka mid ah meelaha ay bartilmaameedsatay saldhigga Mareykanka ee Manda Bay.