FARMAAJO oo mar kale shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale o ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxaa looga gol leeyahay kulankan in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.”

Horay waxaa u fashilmay shir uu sidaan oo kale u iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana shirkaas si cad u diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka qeyb galkiisa ku xiray dhowr shuruudood.

Illaa hadda ma cadda in Villa Somalia ay aqbashay shuruudihii labadaas madaxweyne, lamana oga inay ka soo qeyb geli doonaan shirkan, waxaase socda dadaalo xoog leh oo beesha caalamku ay isugu keneyso madaxda Soomaalida, si heshiis dhaba ay ugaa gaaraan doorashada dalka.