Daawo: SACIID DEENI oo shaaciyey inuu shaqo joojin ku sameeyey DP WORLD

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda deegaanada maamulka Puntland, isagoo is dul taagay dhowr qodob.

Madaxweyne Deni oo wareysigan siiyey TV-ga Universal, qodobadii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa maamulka dekedda Boosaaso ee shirkadda DP World, waxuuna qiray in dekedaas ay heysato caqabad maamul.

Saciid Deni ayaa sheegay in DP World aysan fulin heshiiskii ay la gashay Puntland, isla markaana ay jiraan caqabado badan oo ku hor gudban heshiiskaas.

“Shirkadda DP World heshiiska waxaa la gashay xukuumaddii naga horeysay, waa sax DP World waxaba kama qaban weli dekedda Boosaaso, laakiin markii la I doortay bil kadib waxaa la dilay nin ajanebi ah oo DP World ay u soo dirtay hormarinta dekedda, waxaa yaallay mashaariicdii lagu hormari lahaa dekedda, dilkiisa meelo badan ayuu galay, taasni waxay abuurtay caqabad weyn,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirakadan dadka reer Puntland laga hor keenay oo borabogaando badan laga faafiyey, balse markii ay howshu bilaabatay oo ninkii la dilay loo soo magacaabay ay shaqadu toostay, dadkuna ay yara aamineen.

“Markii dilku dhacay kadib, waxaan isla garanay anaga iyo shirkaddu in shilkaas uu dhacay oo laga gudbo, waxay naga balan qaaday DP World, in shaqadii lagu balamay ay qabaneyso… balse waqtigii ayaa dib u dhacay oo Covid-19 iyo gaabis noocaas ah ayaa dhacay, waxaan isku daynay inaan qaadno tallaabooyin,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Waxa uu sheegay in wixii ka dambeeyey markii ninka la dilay ay dekedda ka maamuli jireen Dubai, balse hadda ay shaqada si ku meel gaar ah uga joojiyeen maamulka shirkadda DP World, si is bedel loo helo.

“Tan iyo markii maamulaha la dilay waxay ku shaqeyn jireen Abu Dubai oo dhaqaalaha lagu heshiiyey ee ka soo xarooda dekedda, iyagaa maamuli jiray, laakiin seddaxdii bilood ee u dambeysay waxaan ka joojinay inay maamulaan, si wadahadalkii aan dib ugu bilaawno, si ay shaqada ugu qabtaan sidii loogu heshiiyey ama nagu soo wareejiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa wareysigaan uga hadlay dhowr arrimood oo kale, sida xiriir xumida mar kasta dowladda dhexe kala dhaxeysa Puntland iyo sababta keenta, sicir bararka ka dhashay diidmada shilin Soomaaliga iyo sababta ka dambeysa, xarigga iyo xorriyad yarida hadalka ee xukuumadiisu ay ku kacdo iyo arrimo kale.

Hoos ka Daawo wareysiga