Maalinta uu dhacayo dibad-baxaya ay ku heshiiyeen Rooble iyo Mucaaradka oo shaaca laga qaaday (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xalay khudbad ka jeediyey markii uu soo dhamaaday shirkii xukuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga musharaxiinta ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo mudaharaadkii ay horay u iclaamiyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ayaga iyo xukuumadda Rooble ay ku heshiiyeen in mudaharaadkaasi dhaco maalinka Sabtiga ah ee soo socota oo taariikhdu ku beegantahay 6-da bishan Maarso.

“Qodobada aan isku raacnay waxaa ugu horeeya in xukuumadda xil-gaarsiinta aan ka wada shaqeyno in banaanbaxii uu dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishaan, kaas oo ka dhici doona fagaaraha Daljirka, waxaa banaanbaxaan soo jeediyey midowga musharaxiinta oo soo abaabulaya, xukuumadda waxaan ku heshiinay inay kala shaqeyso amniga mas’uuliyadeedna ay qaadato, taas waa naga aqbaleen,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inay wada magacaabeen guddi soo baara cidda iska leh mas’uuliyadda wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii hore ee Febraayo.

Guddigaas oo dhamaantiis ka kooban saraakiil sare ayaa kala metelaya mucaaradka iyo xukuumadda, waxuuna sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in qibradda xubnahaan ay labada dhinacba ku qanacsanyihiin.

Lixda sarkaal ee loo magacaabay baaritaanka dhacdadaas ayaa kala ah.

1- S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)
2- Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3- S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare
4- S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5- G/Dhexe Yaasiin Cabdullahi Maxamuud
6- Xuseen Macalin Maxamuud

Hoos ka Daawo C/Raxmaan C/Shakuur