Mareykanka oo ka digay weeraro oo ka dhici kara…

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa digniin cusub kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca dalka Tanzania ee bariga Afrika.

Safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Dar es Salaam ayaa soo saartay digniintan, kadib qoraal rasmi ah oo ay soo saartay.

Sidoo kale safaaradda ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah inay ka fogaadaan meelaha ay dadku iskugu yimaadaan sida maqaayadaha, suuqyada iyo goobaha dalxiiska.

Mareykanka ayaa intaasi ku daray in goobaha bartilmaameedyada ahi ay ku jiraan meelaha ay tegaan dadka reer galbeedka ah.

“Kooxaha argagixisadu waxay digniin la’aan weerar la beegsan karaan hoteellada, safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada, saldhigyada booliiska, masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday Mareykanka.

Kadib digniintan soo baxday dowladda Tanzania ayaa lagu soo warramayaa inay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu sugayo amniga, si looga hortago weeraradaasi argagixiso.

Marar badan oo hore Mareykanka ayaa digniin noocaan oo kale ah ka soo saaray dalal badan oo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka dhacaan weeraro qaraxyo ah.