Dhageyso: Hey’adda duulista hawada Soomaaliya oo caawa gaareysa guul taariikhi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawada Soomaaliya ayaa heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, muddo dheer ayey dowladda Soomaaliya u soo xusul duubeysay aqoonsiga ay heshay caawa, sida uu shaaciyey Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Maareeyaha hey’adda duulista Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in qiimeynta isku laheynta duulimaadyada caalamka ay Soomaaliya ka joogtay heerka ugu hooseeya, balse wixii caawa ka dambeeya ay Soomaaliya ku biirtay wadamada ugu sareeya.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee lasoo dhaafay waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, caawa ayaan ku guuleysanay in aan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka,” ayuu yiri Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Axmed Macalin ayaa sheegay in mudo hal sano ay hey’addu ka shaqeyneysay in heerkaan ugu sareeya qiimeynta duulimaadyada caalamka au soo gaarto, isla markaana ay hadda taas ku guuleysteen.

“Bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, waxaa mira-dhalay dadaalkeenii, keligeena maahane caawa dunida oo dhan ayaa nala dabaal-degeysa,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Mar la weydiiyey caqabadaha ay markii hore ku qabeen qiimeyntii heerkeedu hooseeyey ayuu sheegay in duulimaadyada qaar ay ka wareegsa jireen hawada Soomaaliya, maadaama qiimeynta heerka badqabkeedu uu hooseeyey.

“Lacagtii aan soo saari jirnay in ka badan ayaan soo saari doonaa, diyaarado badan oo hadda ka leexda hawada Soomaaliya ayaa soo mari doona hawadeena,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Wadamo, hey’ado, shirkado duulimaad iyo ururro caalami ah ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyeen inay soo gaarto heerkaan.

“Tani waxay ka dhigan tahay Soomaaliya caawa wixii ka dambeeya waxay awood u leedahay inay maamulato hawadeeda, waxaa la aqoonsaday inay heysato quburo ku filan, waxaana guushaan ka shaqeeyey quburo Soomaali ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka dhageyso wareysiga