Hoobiyeyaal lagu weeraray xaafado ka tirsan magaalada…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in caawa weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday xaafado ka tirsan magaalada.

Xaafadda Xaawo-taako, gaar ahaan degaanka Nuur-xawaad ayaa la sheegay in caawa madaafiicda ugu badan ay Al-Shabaab ku garaaceen, waxaana lasoo weriyey in dhaawacyo ay ka dhasheen madaafiicdaas.

Sidoo kale qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee isla magaalada Beledweyne ayey caawa hoobiyeyaashaani ku soo dhaceen, waxayna magaaladu gashay xaalad kala carar ah.

Weerarkaan kadib ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka bilaabay howlagllo culus oo caawa ka socda Beledweyne, kuwaas oo lagu baacsanayo raggii weerarkaan fuliyey oo la aaminsan yahay iinay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Inkastoo dadka reer Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ay si adag isaga difaaceen kooxda Al-Shabaab oo dagaal qaraar ay la galeen, hadana Al-Shabaab waxay weerarro ka geystaan deegaano aad ugu dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhinaca galbeed ee magaalada ayey deegaano badan ka joogaan Al-Shabaab, waxayna geystaan weerarro iyo afduub ay ku ugaarsadaan beelaha go’aansaday inay si dhab ah isaga dhiciyaan kooxda.

Beesha Xawaadle oo ah beesha ugu balaaran beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa toos ula dagaashay kooxda Al-Shabaab, waxaana beeshaas u suurtay gashay in dhamaan dhulka ay degto ay ka xoreysato Al-Shabaab.

Go’aanka beesha Xawaadle wuxuu caro badan ku abuuray Al-Shabaab, waxayna kooxdu joogto u ugaarsataa qof kasta oo ka soo jeeda beesha, waxaana xusid mudan in dad u dhashay beesha Xawaadle ay u afduuban yihiin  Al-Shabaab, kuwaas oo lagu haayo deegaano dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne.

Inkastoo la sheego in 95% dhulka HirShabeelle laga saaray Al-Shabaab, hadana dhul u badan miyi oo dhinaca galbeed ka xiga wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle ayey weli ku dhuumaaleystaan Al-Shabaab.