Taliska Militariga oo war ka soo saaray arrin laga faafiyey ciidanka ka yimid Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka Soomalaiyeed ayaa war ka soo saaray hadalheyn ka dhalatay rasaas xoog leh oo saacadihii lasoo dhaafay laga maqlay xerada ciidamada xoogga ee Jeneraal Goordan ee Muqdisho.

Warar aad loogu faafiyey baraha bulshada ayaa tilmaamayey in ciidamadii tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea ee Muqdisho la keenay ay dagaal galeen, kadib markii ay gadoodeen.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa war ka soo saaray arrintaan, waxaana qoraalka ka soo baxay lagu cadeeyey in wax dagaal ah aysan dhicin ee xabadaha la maqlay ay ahaayeen dabrid ama carbis ay sameynayeen ciidanku.

“Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa uu dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan caasimmada gobalka Benaadir ee Muqdisho la socodsiinaya in rasaastii  maanta ay maqlayeen ay tahay dabrid iyo carbis ay sameynayeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna sameenayeen guddaha Dugsiga Tababarka General Goordan XDS,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka xoogga dalka.

Dab ridkaan ayaa ka dhacay xerada ciidamada xoogga Soomaaliya ee Jeneraal Goordan oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo tababarro yaryar oo barashada shuruucda ciidamada qaranka ay ugu muhiimsan yihiin ciidanka lagu siiyo.

Xerada Jeneraal Goordan waxaa lagu xareeyey oo degan kumanaan ciidan ah oo dhawaan laga soo daabulay dalka Eritrea, halkaas oo tababar adag oo afar sano ah ay ku soo qaateen.

Cidiankaan oo gaaraya shan kun oo askari ayaa waxaa weli socota soo daad-gureyntooda, waxaana la sheegay in dhamaadka bishaan lasoo dhameystirayo.

Labo maalin ka hor dowladda Soomaaliya waxay ciidanka ATMIS ka saartay xeradii Maslax ee degmada Heliwaa, halkaas oo la dejinayo cutubyo ka tirsan ciidankaan ka imaanaya dalka Eritrea.