Daawo: Cabdifitaax Gaafow iyo saraakiil Shabaab looga dilay dagaal maanta dhacay

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta dagaal culus ku qaaday Shabaab-kii ku sugnaa dhowr deegaan oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa iska cabin adag kala kulmay Al-Shabaab waxaan la dilay xubno ay ku jiraan saraakiil oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo dhowr deegaan laga xoreeyey kooxda.

Cabdifitaax Xasan Gaafow oo ka tisanaa saraakiisha Al-Shabaab ee aagga Ceeldheer ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalkii galabta, iyadoo lasoo bandhigay meydkiisa.

Deeganada  kala ah, Baraag-xasanleey, Maalin-cadaawe iyo Baraag Sheekh Cabdullaahi oo dhamaantood hoos taga Ceeldheer ayaa galabta laga saaray Al-Shabaab.

Rag kale oo aan weli la aqoonsan magacyadooda rasmiga ah ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiisha galabta Al-Shabaab looga dilay aagga Ceeldheer, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha militeriga Soomaaliya ee howlgalka hoggaamineysa.

Daa’uud Abuukar oo ah sarkaalkii ciidanka dowladda ku hoggaaminayey dagaalkii galabta ayaa warbaahinta kula hadlay deegaanka Baraak Sheekh Cabdullaahi, asigoo fariin u diray xubnaha deegaanadaas u dhashay ee weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab.

“Maanta waxaan Khawaarijta ka furanay hub, waana leynay, dadka deegaanadaan waxaan ka codsaneynaa inay ka fogaadaan meelaha ay Khawaarijtu joogto, kama hareyno sidaan ayaan meydadkooda u wari doonaa, isku soo dhiiba dowladiina, hadaa nolol rabtaan,” ayuu yiri sarkaalkaan.

Daa’uud Gacamey ayaa sidoo kale mid mid magacyadooda u sheegay hubnaha ka soo jeeda deegaanka ee hoggaaminaya Shabaab-ka aaggaas ka dagaalamaya, saraakiisha kooxda looga dhaawacay dagaalkii galabta waxaa ka mid ah guddoomiyihii kooxda ugu magacaawnaa degmada Ceeldheer.

Dhammaan deegaanadii lagu dagaalamay waxaa si buuxda caawa gacanta ugu haya ciidanka xooga dalka iyo kuwa deegaanka oo galabta dagaal adag kula wareegay.

Hoos ka daawo