Sawirro: Xamza oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc ay ku kaceyso malaayiin dollar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacayso Malaayiin dollar.

Mashruucan ayaa waxaa fulineyso Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, oo kaashaneya Baanka Adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha qaabka looga faa’iideystay wejigii hore oo la oran jiray Biyooley iyo barnaamijyada u qorsheysan shanta sano ee soo socota, iyada oo wejigan ay ku jirto daryeelka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa mashruucan ku tilmaamay “fursad aan uga faa’iideyn karno dadkeena iyo xoolaheena” si aanay biyo la’aan ugu dhicin.

“Maadama la galay xilli Jiilaal ah oo adag, oo ay tahay in loo diyaar garoobo, waxaan mashruucan uga faa’iideysaneyna si ay biyo la’aan u dhicin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in wejiga hore si wanaagsan looga faa’iideeyay shacabka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku ammaanay masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta.

Mashruuca Barwaaqo ayaa socon doona muddo sanooyin ah, ayada oo ay ku baxayso lacag malaayiin dollar ah, wuxuuna xoogga saaraya horumarinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaybaha ku dhaqan miyiga, Beeraleyda, Xoolaha iyo Deegaanka.