Mareykanka oo ka walaacsan degaan naf loo huray oo ay dib u qabsatay Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walwalsan tahay in uu hal bacaad lagu lisay noqdey “geesinimada” ay dadka degaanka tuulo ku taala gobolka Hiiraan isaga dul-qaadeen “gumeysiga” Al-Shabaab.

Larry Edward André Jr, danjiraha Washington u fadhiya caasimadda Muqdisho, ayaa xusay “in uu aad uga murugoodey” markii ay soo gaareen warbixinadda ku saabsan in maleyshiyadda ay dib ula wareegtay tuulada Ceel-Cade.

“Waxaan aad uga walaacsanahay dib-u-qabsashadda Al-Shabaab ee degaanka Ceel-Cade ee gobolka Hiiraan halkaasoo dadka degaanka ay si geesinimo ah ay isaga xoreeyeen [gumeysiga] Al-Shabaab,” ayuu yiri Larry ka yiri kulan uu la qaatay warbaahinta madaxa-banaan iyo tan dowladda.

Safiirka ayaa intaas ku daray: “Waxaan raadinayaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen. Laakiin xogta illaa hadda isoo gaartey waa dib ula wareegidaas oo aad aad uga murageysanahay dhabtii”.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa 31-dii bishii hore ee August dib u hantay gacan-ku-haynta degaanka Ceel-Cade kadib weerar rogaal celis ah maadaama 27-dii August ay ka saareen dadka degaanka ee la baxay Macawiisley.

Degaanka Ceel-Cade oo 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ciwaan u ahaa warbixinada warbaahinta kadib markii ay abaabul xoogan ka sameeyeen dadka degaanka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa halkaas u dirtay mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur kuwaasoo kal dambe ku guuldareystay in ay baaqi kusii ahaadaan iyo in ay geeyaan askar dheeraad ah.

Dhanka kale, xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dib-ula-wareegida Al-Shabaab ee degaanka Ceel-Cade. Isku-dayo ay saxaafadda la sameysay xafiisyadda warfaafinta taliska ciidamadda xoogga ayaan guuleysan.

Balse, illo wareedyo ayaa xaqiijiyey inuu socdo abaabul uu milatariga Soomaaliya ku doonayo in uu kaga hortago dhibaato ay Al-Shabaab u geystaan dadka degaanka ee hormuud ka ahaa howlgalka lagula diriray.

Kulanka uu danjire Larry la qaatey qaar kamid ah warbaahinta ka howlgasha Muqdisho ayaa ku saabsanaa is-xog-wareysi xaaladda guud ee dalka ah waxaana wariyeyaasha ay safiirka su’aallo ka waydiiyeen xorriyada hadalka iyo ammaanka.

Isha: Garowe Online