Jilaaga Aamir Khan oo lagu qaaday dagaal iyo beegsi la xiriira diintiisa Islaamka

Mumbai (Caasimada Online) – Bilowgii bishii Agoosto, Aktarka Aamir Khan oo kamid ah xiddigaha Bollywoodka ugu waaweyn, ayaa dhambaal qiraal ah oo Jaceylka uu dalkiisa Hindiya u qabo ku muujinayo soo saaray, si uu uga jawaabo olole shaqsiyaddiisa iyo filimkiisii ugu dambeeyey looga soo horjeedo. 

“Waxaan rabaa inaan qof walba u xaqiijiyo in aan dalkayga Hindiya jeclahay, sidaas darteed, fadlan ha mucaaradina aflaamtayda,” ayuu Aamir Khan u sheegay warfidiyeenka ka hor inta aan la baahinin filimkiisa Laal Singh Chaddha oo ah filim horay Hollywoodku u sameeyey. 

Hadalkiisa ayaa yimid kaddib olole ballaaran oo hashtag looga dhigay #DiidaLaalSingh uu aad u qabsaday barta twitter-ka. 

Farriimaha qaar ee ololaha ku jiray waa kuwo Islaam-naceyb ah oo dad taageerayaal u ah xisbiga talada Hindiya haya ee BJB ay baahinayeen. Tan iyo markii xibsigan oo uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Narendara Modi uu ku guuleystay doorashadii 2014-ka, waxaa aad u kordhay naceybka iyo falalka xagjirnimada ee lala beegsanayo Muslimiinta Hindiya. 

Aamir Khan maadama uu Muslim yahay waxaa loo arkay inuu liddi ku yahay diinta Hinduuga.  Ololohu kaliya kuma saabsaneyn dulucda filimkiisa ku jirta, hase yeeshe waxa uu si gaar ah u taabanaya shaqsiyaddiisa.

Heshiiska guud ee Bollywoodka ayaa ah in wax muran ah uusan ka dhici karin daawadayaasha shaleemooyinka filimada haddii ay rabaan inay daawadaan. Aamir Khan, oo 57 jir ahna, waa mid ka mid ah xiddigaha ugu badan oo aflaamtoodu ay soo xareeyaan dakhli aad u fara badan. 

Filimkiisii Dangal ee tartanka legdanka, kaas oo ku saabsanaa sheekada aabbe labadiisa gabdhood u tababbaraya legdanka ayaa kamid ah kuwa lacagta badan kasoo xereeyey gudaha iyo dibaddaba. 

Laal Singh Chaddha oo ah filim la geliyay dakhli dhan $22 milyan ilaa 25$, waxaa jiliddiisa lasoo waday tan iyo sannadkii 2018-ka, waxaana la filayay inuu kala kiciyo Bollywood-ka oo dhaqaale yaraan la halgamaya tan iyo markii uu dunida ka dillaacay xanuunka Covid-19.

Laakiin qiimeynta filimka ee Box Office-ka waxaa la isku raacay inuu yahay flop-kii ugu weynaa ee filimada Aamir Khan. 

“Tijaabadii koowaad oo laga rabay in masraxyada laga daawanayo looga helo lacag dhan $25 milyan laguma guuleysan. Marka la qiimeeyo sansaantana, waxaa iska cad inuusan soo xareyn doonin $17 milyan lacag ka badan,” Sanjay Mehta ayaa sidaas u sheegay Al-Jazeera. 

“Waana mid dib u dhac ku ah Bollywoodka.” 

Hinduuga ma daawanayaan Filimkan

Ishant Sharma oo ah 35 jir ku nool Punjab, kaasi oo ka tirsan koox xagjir ah oo sarreynta Hinduuga u dhaq-dhaqaaqda, wuxuu sheegay inay sameynayaan wax walba oo ay ku ilaalin karaan diinta Hinduuga oo aanay wax xiriir ah la lahayn xisbi siyaasadeed. 

Wuxuu sheegay in maalintii lasii daynayay daawashada filimka ay isaga iyo kooxdiisa socdaal ku mareen meelaha laga daawanayay filimka Laal Singh Chaddha. Waxayna ku qeylinayeen hal-ku-dhegyo, iyaga oo dalbanaya in gebi ahaan laga damiyo shaneemooyinka laga daaray filimka. 

Dibadbaxyo kale oo lamid ah ayaa ka dhacay Delhi iyo gobalka Hindiya ugu weyn ee Uttar Pradesh. 

“Ma diidanin filimka. Waxaan diidannahay Aamir Khan waayo wuxuu aflagaadeeyey diinteenna,” ayuu Sharma u sheegay Al-Jazeera. 

“Hinduugu ma daawanayaan filimka. Waana mid dhacay oo aan suuq lahayn.” 

 Olole lasoo habeeyey oo ka dhan ah Aamir Khan

Markii filimka lasii daayay, dhammaanba muuq-baahiyaasha Hindiya waxay waqtigii la daawanayay filimka kusoo aadiyeen aragtiyo iyo sheekooyin ka dhan ah Aamir Khan. 

Tusaale ahaan, Muuqbaahiyaha Times Now wuxuu soo qaatay barnaamij uu uga hadlayay Aamir Khan oo cinwaan looga dhigay “Sababta Bollywoodku uu u dhaawaco dareenka iyo shucuurta dadka Hinduuga.”

Laakiin qaar badan filim-samayayaal iyo soo saarayaal isugu jira ayaa isku dayay inay abuuraan mowjado kale oo lagu naqdinayo wax ay ugu yeereen naceyb qaawan oo ka dhan ah filimka Laal Singh. 

Mid kamid ah oo sababo amni awgeed magaciisa u qariyay ayaa yiri: “Hindiya waa dal cilmaani ah oo haddana Muslimiintu ay jagooyin sar-sare iyo kaalmo wax ku ool ah kaga jiraan nolosha waddanka – xibsiga BJB-na ma doonayo middaas.” 

Wuxuu sheegay in BJB ay dooneyso in Bollywoodka ay iyagu maamulaan oo ay aragtiyadooda Muslim naceybka ah ku saleeyaan filimada la jilayo. Laakiin Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa taageeray filimkan, qaar badan oo madaxda dowladdiisa kamid ahna waxay fasax u qaateen si ay u soo daawadaan. 

“Haddii aan ka hortagin ololahan naceybka ah, way kasii dari doontaa,” ayuu yiri. Wuxuu intaa kusii daray inuu jidka kusoo jiro filim kale oo uu jilayo atooraha Muslimka ah ee Shahrukh Khan, inkasta oo sii deyntiisu aysan dhawayn. 

Af-hayeen u hadlay xisbiga BJB ayaa sheegay in dibadbaxyada ka dhan ka ah filimka Laal Singh Chaddha aysan iyagu wax shaqo ah ku lahayn abaabulkooda.