Mareykanka oo kordhiyey mas’uuliyiinta Soomaalida ee xayiraada lagu soo rogay

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka (Visa), sababo la xiriria dib u dhaca mar kale ku yimid in lasoo geba-gebeeyo doorashada golaha shacabka.

“Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa,” waxaa sidaas war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

“Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Sidoo horeba, Blinken ma shaacin shaqsiyaadka cusub ee lagu daray liiska xayiraadaha. Waxaa la rumeysan yahay in shaqsiyaadkaas ay is ogaan doonaan kaliya marka ay dalbadaan Visa Mareykan ah. 

Blinken waxa uu sheegay in inkasta oo uu dhiiri-gelinayo horumarka la sameeyey dhowrkii toddobaad ee tegay, haddana weli ay jiraan tobaneeyo kuraas oo baarlaman oo aan la buuxin. 

“Waxaa jira warbixino la isku haleyn karo oo ku saabsan khaladaad dhanka hanaanka ah. Suxufiyiin ama xubno xisbiyada mucaaradka ka mid ah oo ka shaqeynaya taageeridda hay’adaha dimoqraadiga iyo hanaan daah-duran oo lala beegsaday cagajugleyn, cabsi gelin, xarig iyo rabshado,” ayuu yiri Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta ku-daris dheeri ah oo lagu dabaqo siyaasadda iyo hababka kale ee ay heli karaan, si ay sare ugu qaadaan la-xisaabtanka iyo taageerida dhameystir deg deg ah oo lagu sameeyo hanaanka doorashada Soomaaliya, ayada oo loo marayo hab la sku haleyn karo oo daah-furan. 

“Dowladda Mareykanka waxay si xooggan u taageereysaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inay ka shaqeyso sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada laba dhinac,” ayuu yiri.