24.4 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Mareykanka oo laba arrin ku amaanay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe.

Danjir Richard H. Riley oo madasha ka hadlay ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka ku amaanay labada qodob oo uu goluhu wax ka qabtay, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Safiirka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Mareykanka uu garab istaagi doono dowladda iyo shacabkeeda, si loo adkeeyo dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Sheekh Aadan Madoobe oo isna hadalka qaatay ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay kaalinta ay ka qaadato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Waxaa kale oo ay labada dhinac ay isku raaceen la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, si looga faa’iideysto fursadaha muhiimka ah.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageera Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhinaca milatariga, isaga oo sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News