25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

MAREYKANKA oo malaayiin dollar u sii daayey Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay lacag dhan $14.9 milyan oo maalgelin cusub ah oo loogu talagalay Soomaaliya 9-kii Oktoobar, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Lacagahan cusub ayaa imaanaya xilli guud ahaan kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya ay si weyn hoos ugu dhacday intii lagu jiray sannad maaliyadeedka 2025.

Washington waxay muddo dheer ahayd deeq-bixiyaha bani’aadannimo ee ugu weyn ee Soomaaliya, hoos u dhacanna wuxuu ku soo aadayaa xilli xasaasi ah oo soo maray dalka. Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysaa fallaago Islaamiyiin ah oo joogto ah, iyadoo sidoo kale si isdaba joog ah ula kulmeysa dhibaatooyinka cimilada ee daran.

Tirokoob gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ah oo ay heshay jariidada The New York Times ayaa muujinaya in kaalmada guud ee Mareykanka ee Soomaaliya ay ahayd qiyaastii $128 milyan sannad maaliyadeedkii 2025, kaasoo dhammaaday 30-kii Sebtembar.

Tani waxay muujinaysaa hoos u dhac aad u weyn marka la barbar dhigo tobankii sano ee ka horreeyay, xilligaas oo xogta Mareykanka ay muujinayso in Washington ay celcelis ahaan diri jirtay qiyaastii $450 milyan sanadkii oo ah gargaar bini’aadannimo oo keliya. Maalgelinta bini’aadannimo ee Mareykanka ee Soomaaliya waxay gaartay heerkii ugu sarreeyay oo ahayd $481 milyan sanadkii 2020, xilli ay jirtay dhibaato cunto yari oo hore u dhacday.

War-saxaafadeed lagu soo diray email Isniintii, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ku sheegtay in kaalmada milatari iyo tan bini’aadantinimo ay labaduba sii socdaan. Mareykanku wuxuu joogitaan milatari oo kooban ku leeyahay Soomaaliya, kaasoo inta badan diiradda saaraya tababarka guutada gaarka ah ee Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.

“Mareykanku waxaa weli ka go’an inuu kala shaqeeyo Soomaaliya ka hortagga khataraha argagixisada iyo wax ka qabashada walaacyada amni ee aan wadaagno,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale tilmaantay isbeddel siyaasadeed oo loo guurayo, oo ah in si ballaaran loo wadaago culeyska mas’uuliyadda, taasoo ah aragti ay la qabaan dhowr dowladood oo Reer Galbeed ah oo wajahaya culeysyo miisaaniyadeed oo gudaha ah iyo daal ka yimid deeq-bixinta.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay sii wadi doontaa howlgalkeeda ah inay ku dhiirrigeliso deeq-bixiyeyaasha kale, oo ay ku jiraan dowladaha iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay, inay la yimaadaan xalal waara oo loogu talagalay dadka ugu baahida badan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhimista uu sameeyay Mareykanku ma ahan mid gooni u taagan. Saraakiisha gargaarka ee Soomaaliya ayaa ka warbixinaya hoos u dhac ballaaran oo ku yimid taageeradii ka imaan jirtay saaxiibada kale ee dhaqan ahaan gargaarka bixin jiray, taasoo sii ballaarinaysa farqiga maalgelinta ee jira.

“Inta badan deeq-bixiyeyaashayada ugu muhiimsan — Holland, Jarmalka, Ingiriiska — dhammaantood way sii yaraanayaan,” ayuu yiri Crispen Rukasha, madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubbaridka Arrimaha Bini’aadannimada (OCHA) ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaashu waxay hoos u dhaca caalamiga ah ee maalgelinta bini’aadannimada la xiriirinayaan culeysyo siyaasad-juquraafiyeed oo is-beddelaya — oo ay ku jiraan xirmooyin gargaar oo ballaaran oo loo qoondeeyay dagaalka Ukraine — iyo isbeddello ku yimid mudnaanaha caasimadaha Yurub.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay sanadkii hore kasoo uruurisay qiyaastii $350 milyan oo dakhli gudaha ah, sida lagu sheegay qiyaaso dhowaan kasoo baxay Baanka Adduunka. Dakhligu wuu kordhay, laakiin weli aad ayuu uga fog yahay inta looga baahan yahay bixinta adeegyada aasaasiga ah.

Inta ugu badan ee lacagtaas waxay ku baxday mushaharka iyo hawlgallada qeybta amniga, iyadoo mas’uuliyiintu ay mudnaanta siinayaan ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ay dowladdu ballan ku qaadday inay ka adkaan doonto.

- Advertisement -

Read more

Local News