MAREYKANKA oo qaaday tallaabo soo dedejin karta dagaal uu la galo Ruushka

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa dhawaan ciidamo dheeraad ah u diri doona dalalka Poland iyo Romania si ay uga difaacaan bariga Yurub dhibaatada la sheegay inay ka dhalatay ciidamada tirada badan ee Ruushku geeyay xadka Ukraine.

Sida ay sheegen Saraakiil Mareykanka ah ciidamadan ayaa tiradooda tahay ku dhawaad 3,000 oo askari, waxayna ciidamdan isugu jiraan kuwa cirka iyo dhulka. www.colombia.co

Ciiamada ayaa ka bixi doona saldhigyada Vilseck ee dalka Jarmalka iyo Fort Bragg oo ku yaal goblka North Carolina, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, ayaa sheegay in ujeedadu tahay in digniin adag loo diro madaxweynaha Ruushak Vladmir Putin, wuxuuna sheegay inay caddeynayaan in Mareykanku diyaar u yahay difaaca NATO.

Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dirista ciidamadooda ay waafaqsan tahay hadalladii uu u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Ilaa iyo inta uu si gar-darro ah u dhaqmayo, waxaan hubin doonnaa inaan u xaqiijin karno xulafadayada NATO iyo Bariga Yurub inaan halkaas joogno,” ayuu yiri Biden, sida lagu sheegay Twitter-ka.

Ruushka ayaa hore ugu goodiyay in uu qaadi doono tallaabooyin millateri oo aan la cayimin, haddii aan la fulin dalabkiisa, oo ay qeyb ka tahay ballan-qaadka NATO ee ah inaysan marnaba aqbalin xubinnimada Kyiv, kadib markii uu boqol kun oo askari geeyay meelo u dhow xuduudaha Ukraine.

Hase yeeshe waxay Moscow iska fogeysay inay waqti xaadirkan duulaan ku qaadeyso dalka Ukraine, ayada oo ku jees-jeestay Britain oo ay ku tilmaamtay Ra’iisul Wasaarahood in uu jahwareersan yahay, siyaasadiisuna ku dhisan tahay jaahilnimo iyo doqonimo, sida uu hadalka u dhigay Ruushku.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xili ay socdaan dadaalo lagu rabo in xal diblomaasiyadeed la gaaro, islamarkaana dhawaan lagu wadaa in madaxweynaha Turkiga uu booqdo dalka Ukraine, halka Ra’iisul Wasaaraha Jarmalkana uu ka degi doono Moscow si uu ula kulmo Putin.