Mareykanka oo qirtay inuu shacab ku dilay Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Warbixin guud oo ka soo baxday waaxda difaaca dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu faahfaahiyey khasaaraha rayidka kasoo gaaray duqeymo ay ka fulisay dalalka ay ku jirto Somalia, kuwaas oo ka sameeyo howlgal milatari.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan saddex qof oo rayid ahaa ay ku dhaawacmeen weerar dhanka cirka ah oo uu ka fuliyey deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Sh/Hoose, taas oo ujeedkooda uu ahaa in lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab.

Warbixinta qiraalka ah ayaa waxaa lagu xusay in duqeyntaasi ay dhacday kowdii Janaayo ee sanadkan 2022-ka, balse ma sheegin Mareykanka inuu garwoshiyo ka bixiyey arintaasi.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah,” ayuu Austin ku xusay qoraal ku socday taliska ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale milatariga Mareykanka ayaa weeraro ka dhacay dalka Afghanistan sanadkii 2021-kii ku dilay illaa 12 qof oo rayid ahaa, sidoo kalena ku dhaawacay 5 kale.

“Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhawaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay ku dhawaad 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray 2021-ka, taasoo ka dhalatay howlgallada ciidamada Mareykanka,” ayaa lagu yiri warbixinta, oo Koongarasku codsaday in lasii daayo sannad kasta tan iyo 2018, iyadaoo qeyb ka mid ah ay aheyd sir” ayaa lagu yiri.

Pentagon-ka ayaa horey u qirtay mas’uuliyadda dhimashada 10 xubnood oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, intii lagu jiray ka bixitaankii Mareykanka ee Afghanistan oo dhammaaday Ogosto 2021.

Sidoo kale Pentagon-ka ayaa dib u qiimeyn ku sameeyay tirakoobkeeda dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee dalka Suuriya laga soo bilaabo 2018 ilaa 2020 ku ogaaday, kuna qirtay 10 kale oo dhimasho ah iyo 18 dhaawac ah.

Bishii Janaayo 2022-ka, Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ku boorriyay milatariga in ay sameeyaan isbedel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kadib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda milatariga.