Ku-simaha madaxweynaha oo kulan la qaatay danjiraha Sacuudi Carabiya + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Sacuudi Carabiya Amb. Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen dhismaha Machadka tababarada baarlamaanka, horumarinta baarlamaanka Soomaaliya iyo sidii howl-wadeennadda Golaha Shacabka u heli lahayeen aqoon kororsi.

Danjiraha Sacuudiga u jooga Soomaaliya ayaa waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahad-celiyey shaqada dardarta leh ee uu hogaanka u haayo Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa danjiraha ku bogaadiyay garab-istaaga dowladda aan walaalaha nahay ee Sacuudiga la garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinaayo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.