Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa taariikh cusub ka dhigay Soomaaliya, isaga oo sanadkan ka fuliyay duqeymihii cirka ahaa ee ugu badnaa abid mudadii ku dhoweyd 20-ka sano ee uu jiray.
Sida la xaqiijiyay Isniintii, tirada guud ee duqeymaha Taliska AFRICOM ayaa gaartay 72, iyadoo weerarro is-daba-joog ah ay dhaceen intii uu socday howlgal ballaaran oo laba toddobaad qaatay oo ka dhan ahaa dagaalyahannada al-Shabaab.
Howlgalka sanadkan ee ka dhanka ah al-Shabaab iyo faraca kooxda Dowladda Islaamiga ah (Daacish) ee dalka ka howlgala ayaa tirada duqeymaha ee Soomaaliya ka dhigay inay dhaafto rikoorkii hore oo ahaa 63 duqeyn sanadkii 2019. Duqeymahan xooggan ayaan muujineyn wax calaamad oo ah inay gaabinayaan.
War-saxaafadeed uu soo saaray Jimcihii, Taliska AFRICOM wuxuu ku sheegay inuu duqeymo cirka ah fuliyay intii u dhaxeysay 31-kii Agoosto iyo 2-dii Sebteembar, kuwaasoo lala beegsaday Daacish-Soomaaliya, gaar ahaan bartilmaameedyo ku yaalla gobolka Buuraha Golis ee woqooyiga.
Dhanka kale, duqeyntii ugu dambeysay ee uu Taliska AFRICOM ka warbixiyay ee ka dhanka ahayd al-Shabaab waxay dhacday 30-kii Agoosto, meel 25 mayl u jirta magaalada Kismaayo ee koonfurta ku taalla. Gobolkaas Soomaaliya waxa uu ahaa bartilmaameed joogto ah oo ay beegsato AFRICOM.
Khamiistii, ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee ay iskaashadaan oo ka howlgayay nawaaxiga Kismaayo ayaa lagu soo qaaday weerar madaafiic ah, sida uu Taliska AFRICOM ku sheegay war-saxaafadeed kale oo uu soo saaray Jimcihii.
“Ma jirin wax khasaare dhaawac ama dhimasho ah oo soo gaaray ciidamada Mareykanka ama kuwa saaxiibada la ah weerarkaas, sidoo kalena lama soo sheegin waxyeello soo gaartay saldhigga ama hantida isbaheysiga,” ayuu yiri AFRICOM, isagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dhacdadaas.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ay mararka qaar isugu arkaan goobaha dagaalka.
Marka laga soo tago duqeymaha cirka ah, howlgalada joogtada ah ee AFRICOM ee Soomaaliya waxaa ka mid ah tababarka iyo la-talinta ciidamada dhulka ee maxalliga ah. Kororka ku yimid duqeymaha cirka ah ayaa sidoo kale ku soo beegmay awaamiir uu bishii Janaayo soo saaray Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, taasoo awood dheeri ah oo go’aan qaadasho ah oo ku saabsan duqeymaha cirka ah siisay taliyeyaasha AFRICOM.
Toddobaadkii hore, General Dagvin Anderson, oo ah hoggaamiyaha cusub ee taliska fadhigiisu yahay Stuttgart, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Soomaaliya isagoo ah madaxa howlgalada milateri ee Mareykanka ee qaaradda.
Magaalada Muqdisho, Anderson wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo ka wada hadlay halisaha ka imanaya dalka.
Wuxuu sheegay in faracyada Daacish ay ku faafayaan Soomaaliya iyo qeybo kale oo Afrika ka mid ah, halka al-Shabaab ay iskaashi la sameynayaan maleeshiyada Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen, kuwaasoo ay taageerto Iran.
Al-Shabaab, oo Mareykanku u arko kooxda argagixisada ugu weyn Afrika, ayaa lagu qiyaasaa inay haystaan inta u dhaxeysa 7,000 ilaa 12,000 oo dagaalyahan. Tobannaan sano, waxay ku jireen kacdoon hubeysan oo ka dhan ah dowladda dhexe ee jilicsan ee Soomaaliya, oo ay ciidamadeeda tababaraan Mareykanka.
Anderson wuxuu si gaar ah u iftiimiyay howlgalada ka dhanka ah Daacish-Soomaaliya isagoo tusaale u soo qaatay iskaashiga Mareykanka ee lala yeesho saaxiibada maxalliga ah ee dhulka si loo helo xog sirdoon loona doorto bartilmaameedyada duqeymaha.
“(Intaas waxaa dheer) waxaan awood siinnay saaxiibkeena, oo lahaa rabitaanka ah inuu buurahaas tago, ugaarsado argagixisada, oo uu qabsado dhulka si aysan dib ugu soo laaban karin,” ayuu Anderson ku yiri hadal uu soo saaray.
Bishii Maajo, tirada dagaalyahannada Daacish-Soomaaliya waxay ka korodhay qiyaastii 500 oo dagaalyahan ilaa 1,500 muddo 18 bilood gudahood ah, iyadoo qiyaastii 60% xubnaha kooxda ay ka yimaadeen meel ka baxsan Soomaaliya, sida lagu sheegay xogta AFRICOM.

