Dowladda Mareykanka oo safiir usoo magacabaysa waddanka Soomaaliya

Washington DC (Caasimada Online) – Markii ugu horeysay in ka badan 20 sano, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay safiir usoo magacaabi doontaa Somalia.

Tallaabadan ayaa sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Obama waxa uu ku qeexay mid kalsooni loogu muujinayo mustaqbalka xasiloonida Soomaaliya.

Inkasta oo ay taasi jirto, ayaa haddana maamulka Obama waxa uusan wax qorshe oo deg deg ah ka lahayn inuu dib u furo safaaradii Muqdisho, oo dhowaanahan weeraro xooggan ay ka dhacayeen.

Hadal ay jeedisay maanta, ayaa kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Wendy Sherman, waxa ay ku sheegtay in magacaabista safiirka Somalia ay tahay astaan muujineysa xiriirka sii qoto-dheeraanaya ee Washington iyo Muqdisho.

Waxa ay Soomaalida ka dalbatay inay ka fogaadaan is-xifaaleynta qabaa’il, ayna diiradda saaraan dhismaha dowlad midnimo qaran.

“Cid annaga naga mid ah taas ma sameyn karto, hase yeeshee Soomaalida ha ogaadaan, haddii ay doortaan inay isu yimaadaan ayna doortaan wada-shaqeyn waxa ay heli doonaan taageero caalami ah” ayay Sherman u sheegtay Machadka Nabadda ee magaalada Washington DC.

Lama shaacin cidda loo magacaabi doono safiirka Soomaaliya, hase yeeshee Sherman waxa ay xaqiijisay in dhowaan la magacaabi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com