Mareykanka oo runta u sheegay Kenya (Waa inaad xushmeysaan Somalida)

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inay xushmayso qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda.

Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman oo ka khudbeyneysay Machadka Nabadda ee Mareykanka U.S. Institute of Peace ee Washington ayaa ugu baaqday ciidanka ammaanka ee Kenya inay dhawraan karaamada ay leeyihiin qaxootiga Soomaalida.

“Ma jirto cid dooranaysa inay 22 sano qaxooti ahaato. Ma ahan dookhooda,” ayay tiri Wendy Sherman.

Waxay ku ammaantay Kenya marti-gelinta kumannaanka kun ee qaxootiga Soomaalida, iyadoo ugu baaqday inay sii waddo marti-gelinta iyo soo dhoweynta qaxootiga tan iyo inta si khiyaarkood ah ay ugu laabanayaan dalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com