Mas’uul aabihii qarax lagu dilay oo loo magacaabay sirdoonka Soomaaliya

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo gudoomiye ku xigeenka hayada nabad sugida gobolka Banaadir, kadib markii ay kordheen weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdifitaax Ibraahim Shaaweeye loogu magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka nabad-sugidda gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa madaxweynaha dalka Soomaaliya wuxuu soo saaray maalintii shalay oo ay taariiqda ku beegneyd 3-6-2014

Cabdifataax  ayaa horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Banaadir intii u dhexaysay sanadihii 2007 ilaa 2009, xilligaas oo uu guddoomiyaha gobolka ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Xabeeb.

Taliye ku xigeenka cusub ee ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir ayaa aabihii wuxuu ku dhintay qarax kadib markii gaarigiisa loogu xeray, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku noolaa dalka Ingiriiska.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com