QABIIL YEMEN ku nool oo u doodaya Qabiil Soomaali ah (Warbixin Xiiso leh)

Suldaan Cafraar oo ah Oday-dhaqameedka hogaamiya Beesha Mehera ee degta Yemen ayaa Hadal uu Warbaahinta siiyay wuxuu kaga warramay arrimo badan oo quseeya Beeshooda, iyo Beelo ay Ood-wadaagyihiin oo Soomaaliya ku nool.

Suldaanka ayaa xaqiijiyay in Kacdoonkii Guga Carabta uu Fursado wanaagsan siiyay Beeshooda, si ay u dalbato soo cesashada Xuquuq ka maqnayd.

Wuxuu Suldaanku soo Hadal qaaday Booqasho uu ku tagay Soomaaliya, gaar ahaanna Gobalka Puntiland, halkaas oo uu sheegay inuu kulasoo kulmay Madaxweynaha Maamulka Gobalkaas ka taliya Cabdiwali Maxamed Gaas oo ay ka wada hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Yemen guud ahaan, gaar ahaanna Gobalada Mehera iyo Soqodra.

Puntiland waxaa ka jira buu yiri Maamul u halgamaya sidii uu Xuquuqdiisa Siyaasadeed ugu dhex heli lahaa Habka Dowladnimada Federaalka ee laga dhaqan galinayo Soomaaliya, waxaana inaga iyo Maamulkaaas ka simannahay buu Suldaanku yiri u Xusul-duubka hirgalinta Federaalka.

Beelaha Meheriga ku abtirsada ee Puntiland jooga ayuu Suldaankani sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Maamulkaas ay ka wada hadleen sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqdooda Siyaasadeed iyo inay ka qayb noqdaan Maamulka Deegaanka.

Deegaanada ay Beeshan Mehera ee Yementa ka tirsani ku noolyihiin ayaa ah Goobo aan wax badan ka fogeyn Dhulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo Puntiland loo yaqaan, waxaana Labada Deegaanba la sheegaa inay ku noolyihiin Dad Taariikh ahaan iyo Dhalashaba wadaaga, waloow aanay Aqoonyahanada Asalka Beelaha ku xeel-dheer wali meel ku jaan-goyn sheekoyinka ceynkaas ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com