Xog: Magacyada wasiiro Cabdi Weli uu ku adkeystay inusan soo celin doonin iyo khilaafka oo meel xun maraya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa ku adkeystay inuusan golaha wasiirada ee isku shaandheyta lagu sameynayo kusoo dari doonin dhowr wasiir oo xulufo la ah madaxweyen Xasan Sheekh.

Sida ilo-xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa diidmada cusub ee Cabdi Weli ay cirka kusii shareertay khilaafka labada dhinac oo uu madaxweynaha si rasmi ah u qiray shalay.

Wasiirada uu diiday Cabdi Weli inuu soo celiyo ayaa waxa ay kala yihiin:-

1 – Wasiiradda hoowlaha guud Nadiifo Maxamed Cusmaan
2 – Wasiirkii hore ee Amniga Cabdi Kariim Guuleed, oo iscasilay balse Xasan Sheekh uu doonayo in xil kale loo dhiibo.
3 – Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre
4 – Wasiirka Garsoorka iyo Federalka Faarax Cabduqadir
5 – Wasiirka Macdanta Daud Bisle
6 – Wasiirka Duulista iyo gaadiidka hawada Saciid Jaamac Qoorsheel

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu Cabdi Weli u sheegay inuu wada-hadal ka geli karo in liiska cusub ee isku shaandheeynta golaha Wasiirada Xukumadda uu ka reebo Daa’uud Bisle, Saciid Qoorsheel iyo Cabdullahi Goodax Barre, hase yeeshee aanu marnaba aqbali karin in laga reebo Faarax Cabduqadir iyo Cabdikariim Guuleed.

Sida ay lee yihiin ilo-wareedyada Caasimada Online, Cabdi Weli ayaa ku adkeystay inuusan haba yaraateen aqbali karin dalabyada Xasan Sheekh uuna soo magacaabayo ciddii uu doono.

Lama oga sida xaalku noqon doono hase yeeshee wuxuu Ra’iisul wasaaraha ku adkeeysanayaa inuu si degdega ugu dhawaaqi doono golahiisa Wasiirada cusub, isaga oo aan madaxweynaha kala tashan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com