DF oo go’aan aan la fileyn ka qaadatay shirka SWEDEN ee SOOMAALIYA

Iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay qabsoomida shirka (Somali business opportunities) ee loo qabanayo Soomaaliya ayaa waxaa maanta war ka soo saaray shirkaasi afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Xassan C/llaahi Dirir.

Shirkan oo Stockholm ka furamaya ayaa daah fur u noqonayo qaabka cusub oo dalalka Yurub ay doonayaan in ay Soomaaliya u caawiyaan, iyadoo habkaasina uu noqonayo in halkii dalalkaasi ay ku deeqi lahaayeen lacago kaash ah in shirkado & ganacsato dalkaasi ka socda ay mashaariic iyo maalgashi dhinaca horumarka la xiriira ka fuliyaan Soomaaliya, iyada oo lala kaashanayo ganacsato Soomaali ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Sweden in ay albaab qaldan ka soo galeyso gargaarida Soomaaliya, waxaana uu sheegay Afhayeen u hadlay W/A Dibedda in halkii Swidish-ku ay la tacaamuli lahaayeen dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay la xireen maamulo ka mid ah kuwa hoos taga dowladda dhexe.

“Dowlad caalamku aqoonsan yahay ayaa dalka ka jirtee, maxey tahay Sweden gobolada ay ka daba wareegeyso, dowladdu ma fahmin ujeedada ay ka leedahay? Ayuu yiri Afhayeen Xasan Dirir, wuxuuna intaa ku daray in liiska ka qeybgalayaasha & ajendaha shirka uu yahay wax ay soo qorteen shaqsiyaad Puntland ka tirsan, oo xittaa liiska ay ku soo dareen xubno ka socda maamulka KMG ah ee Jubba.

“Dowladda Soomaaliya wixii shirkaasi ka soo baxa ma aqoonsan doono” ayuu yiri Afhayeenku wuxuuna intaa ku daray in ay nasiib darro tahay in maamulo ay sameysteen qabiilo Soomaaliya ka mid ah in dowladdii ay ku hor ordaan, iyaga oo aad moodo in ay doonayaan in ay liqaan xuquuqdii gobolada kale ee Soomaaliya.

“Puntland waxba kama duwana gobolada kale ee Soomaaliya, waxeyna xaq u leedahay saamiga ay xaqa u leeyihiin gobolada kale sida; Galguduud, Hiiraan, Sh/ dhexe ” ayuu yiri Afhayeenka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com