Dhageyso: HABAR-GIDIR oo dagaal ka dhan ah beel kale iclaamisay kaddib..

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda beesha Habargidir ayaa kulan ay yeesheen ka dib ku hanjabey inay dagaal ku saleysan qaab qabiil ay la geli doonaan beesha Biyamaal.

Nabadoon Cali Garaad oo ka mid ah Odayaasha Beesha Habargidir ayaa waxa uu sheegay inay udul qaadan waayeen beegsi ay beesha Biyamaal ku hayso beesha Habargidir, sida uu sheegay.

Waxa uu xusay in maleeshiyo Biyomaal oo u huwan magaca ciidamada dowladda Soomaaliya ay dilal ku hayaan waxgaradka iyo shacabka beesha Habargidir.

Waxa uu sheegay inaysan jirin cid wax ka qabaneysa waxa uu ku sheegay tacaddiyada Biyomaal, sidaa darteedna ay Habargidir isku difaaceyso qaab qabiil, ayna iska dhicineyso Biyomaal.

Halkan ka dhageyso codka nabaddoonka

Beelaha Habargidir iyo Biyomaal ayaa dagaal soo noqnoqday waxa ay ku dhex mareen gobolka Shabeelaha Hoose dhowaanahan, ayada oo maalmihii u dambeeyey dhowr qof Habargidir looga dilay gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com