Xasan Sh oo safiir u magacaabaya USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu xalay daboolka ka qaaday in Dowladdiisu ay dalka Mareykanka u magacaabi doonto Safiir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dhigiisa Mareykanka Barack Hussein Obama, uu u xaqiijiyay in dhowaan uu Safiir u soo magacaabi doono dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay tallaabada uu horey u qaadaayo Madaxweynaha Mareykanka, isla-markaana uu dhankiisa diyaar u yahay in uu Safiir u magacaabo Mareykanka.

Tani, ayuu ku macneeyay mid lagu soo celinaayo xiriirkii dheeraa ee labada dal, laguna xoojinaayo xiriirka sida gaarka ah kaga dhaxeeya Somaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladdiisu ay soo dhoweyneyso in Mareykanka uu sii wado taageeradiisa ku adan Somaliya iyo tallaabada lagu laba laabaayo xiriirka labada dhinac.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu Mareykanku ku ammaanay in sanado badan uu Soomaaliya ka caawinaayay, sidii ay kaga gudbi laheyd marxalada adag, una hiigsan laheyd xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiyada.

Hadalkaan, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay, Warbixin xalay laga soo saaray Xafiiskiisa Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com