DF oo heshay gaadiid ay rasaas karin

Muqdisho (Caasimada Online)-  11-kamid ah gaadiidka nooca aan karin rasaasta ayaa maanta lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana deeqdaasi ay ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta oo kamid ah Dowladaha taageera Soomaaliya.

Madasha gaadiidkaan Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejinaye, ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaan oo sheegay in Dowladda ay ku wareejiyeen maanta gaadiid gaaraya 11-nooca aan rasaasta karin.

Wuxuu goobta ka sheegay in arintani ay qeyb ka tahay taageerada Dowladda Imaaraadka Carabta ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna siiwadayaan sida ay u taageerayaan Dowladda Soomaaliya.

11-ka Gaadiidka nooca aan rasaasta karin Dowladda Soomaaliya waxaa uguddoomay Agaasimaha madaxtooyada Taabit Abdi Mohamed, oo goobta ka sheegay in Imaaraadka Carabta ay umahadcelinayan taageerada joogtada ah ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu kamid yahay dalalka taageera Soomaaliya, waxaana ay ka qeyb qaataan mashaariicda kala duwan ee dhanka arimaha Bulshada gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com