Axmed Madoobe oo fariin adag udiray Amisom iyo dalalka deriska ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa fariin udiray ciidamada Amisom iyo Dowladaha deriska la’ah dalka Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlaye kulan uu shalay Magaalada Kismaayo kula qaatay qaar kamid ah Hay’adaha ka howlgala Magaalada Kismaayo ee dhanka arimaha Bulshada, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Amisom iyo Dowladaha deriska la’ah dalka Soomaaliya laga rabo inay Maamulkiisa ka caawiyaan arimaha dhanka Bulshada.

Fariinta ciidamada Amisom uu udiray ayaa waxa ay tahay in Amisom xafiis Milateri uu uga furan yahay Magaalada Kismaayo, balse uusan Kismaayo ka furneyn xafiiska Amisom ee arimaha Bulshada, sidaasi awgeedna laga rabo inay Kismaayo ka furtaan xafiiska dhanka arimaha Bulshada ee Amisom.

Baahida keentay inay dalbadaan xafiiskaan, ayaa waxa ay tahay in shacabka reer Kismaayo ay u baahan yihiin in laga caawiyo dhanka caafimaadka iyo arimaha Bulshada, sidaasi awgeedna doorka Amisom ee dhanka arimaha Bulshada oo Magaalooyinka kale ay ka sameyso Kismaayana looga fadhiyo.

Isaga oo hadalka siiwata Axmed Madoobe, ayuu dhanka kale wuxuu dalab udiray Dowladaha Deriska la’ah dalka Soomaaliya, waxaana uu ka codsaday in Maamulkiisa laga taageero dhanka arimaha Bulshada, maadaama arinta hada ugu liidato Jubbooyinka ay tahay arimaha Bulshada.

Roobabkii dhawaan ka da’ay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose, ayaa saameyn ku yeeshay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaasi oo ay kusoo rogmadeen daadka roobka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com