SHAACIN: Wasiir ka qeyb galaya shir ay DF diiday si uu ugu daneeyo beeshiisa

Stockholm (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu ka qeyb galo shir caalami ah oo ka dhacaya dalka Sweden, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay qaadacday, si uu ugu daneeyo beesha uu kasoo jeedo.

Saciid Cabdullahi Daani ayaa qaadaya tallaabadan si uu shirka u qabsoomo, maadaama qaadaacadda dowladda Soomaaliya ay bur bur ku keentay shirkan oo loogu magac daray shirka fursdaha Ganacsiga Soomaaliya, ayna badankiis ka qeyb gali lahaayeen wufuud reer Puntland iyo Jubba ah.

Shirkan oo lagu waday in tobanka bishan Juun uu magaalada Stockholm uga furmo shirkado ganacsi oo Swedish iyo Soomaali isugu jira ayaa waxaa hareeyey fadeexo, kadib markii laga weeciyey jidkii loo qorsheeyey, lagana dhigay mid beelo gaar ah loogu faa’iideeyo.

Kulankan oo markii hore lagu casuumay inay ka soo qeyb galaan wufuud ka kala socota dowladda dhexe ee Soomaaliya, maamul goboleedka Puntland iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba, ayaa isu badalay mid qaab beeleed la isku balansaday, loona diiday ganacsatada Muqdisho, sidoo kalena DF lala meel dhigay maamul goboleedyo.

Taasi waxa ay dhalisay in kasoo qeyb galka shirka ay diideen wufuudii ka iman lahayd Muqdisho oo ay horkacayeen wasiirka ganacsiga iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in shaqsiyaad ka tirsan Soomaalida Sweden oo kasoo jeeda deegaanada Puntland, islamarkaana leh hoggaanka shirka ay si shaqsi ah u casuumeen wasiiirka qorsheynta ee dowladda Soomaaliya mudane Saciid Daani, si looga dhigo in dowladda ay ka qeyb galeyso, islamarkaana uusan shirka u bur burin.

Daani ayaa loo sheegay inuu magaca dowladda buuxiyo, maadaama shirka ay faa’iido badan ku qabaan ganacstada beeshiisa, waana uu aqbalay, taasi oo ah tallaabo ka dhan ah dowladda uu xubinta ka yahay.

Shirkan ayaa waxaa maamulka Jubba u matalaya wasiirka madaxtooyada maamulkaas Cabdi Qani Cabdi Jaamac, halka Puntland uu u matalayo wasiirka madaxtooyada maamulkaas, waxaana sadaxdaan mas’uul ay ka soo wada jeedaan hal beel, taasi oo caddeeneysa in shirkii Soomaaliya ay beel gaar ah gacanta ku dhigtay.

Ilo wareedyo ku dhow qaban qaabada kullankaas waxay sheegayaan in xubno ay ka mid yihiin Axmed Sollentuna, Bashiir Amaan iyo Cabdi Yare oo ka soo jeeda deegaanada Puntland kana mid ah Jaaliyada Soomaalida ee Stockholm ay qaban qaabiyeen kulan ka dhacay Dubai oo ay ku kulmeen Ambassador Bär oo Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, halkaa oo lagu gudoonsiiyey ambassador Bär lacag laa luush si aanu kulankan u baaqan ugana faa’iideystaan xubno Puntland ka soo jeeda.

Arrinta kale ee culeyskeeda leh ayaa ahayd in inta badan fiisooyinkii shirkaas lagu imaan lahaa lagu kala iibsaday Dubai iyo Stockholm iyadoo halkii qof laga qaadayey lacag dhan 20,000 (labaatan kun oo doolar).

Stockholm oo ah halka uu shirkani ka furmi doono waxaa ka socda qabanqaabada dibadbax looga soo horjeedo shirkan ay dad badani ku tilmaameen in hal beel oo qura ay sheeganeyso inay Soomaaliya wakiil ka tahay, waxaana la arkayey dad ku ballamaya dibadbax laga hordhigi doono wasaarada arrimaha dibadda ee Sweden iyo maalinta bishu tahay tobanka.

Dowladda Soomaaliya oo wasiir ka mid ah uu magaceeda uga qeyb galayo ayaa loogu baaqayaa inay arintaas soo farageliso marba hadii markii horeba ay ku gacan seereen shirkan, lana xisaabtamaan wasiirkan habka beeleed shirka uga qeyb galaya ee Saciid Daani.

Saciid Daani, ayaa dhowr toddobaad ka hor shir uu kaga qeyb galay Garoowe oo beesha caalamka qabatay u sheegay in Puntland si gaar ah loola macaamilo, isaga oo hareer maray siyaasaddii xukuumadda, una weecday dano qabiil, mana jirto weli tallaabo ay DF ka qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com