ICAO oo xoogtay shaqadii DFS: BEELO loo daneynayo iyo kuwa iska hurdaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya gaar ahaan xildhibaanada Beesha Hawiye, Digil iyo Mirifle, Beesha 5-aad iyo Beesha Mariixaan ayaa noqday xildhibaano ku hurdaaya shaqadooda, Damiirkooduna yahay mid dhintay iyadoo dadkii iyo goboladii ay metelayeena meel uga dhacay, Xildhibaanimadooduna noqotay mid ay ku raadsadaan dantooda shaqsi.

Bahdilka iyo yasitaanka maanta Hay’adda UN-ka u qaabilsan Maamulka Hawada Caalamka ee lagu magacaabo ICAO ku samaysay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujinaysa in Madaxda Dawladda Soomaaliya iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye, Digil/Mirifle, Beesha 5-aad iyo Beesha Mariixaan inay yihiin dad qeyru masuul ah ku qanacsan inay isku awood iyo isku go’aan ku noqdaan Dawladda Federaalka Xubno kasoo jeeda Maamulo/Dawlado aan ogoleyn inay metesho Dawladda Federaalka Soomaaliya oo qabaailka Soomaalidu u dhan yihiin.

Hay’ada ICAO ayaa shalay Booqasho ku tagtay Magaalada Boosaaso iyaga oo Halkaas kula kulmay Madaxda Maamulka Puntland oo uu hogaaminayo Cabdiweli Gaas. Sheekada Cajiibka ah waxaa weeye in Mas’uul ka socday Hay’adda ICAO oo lagu Magacaabo Mr. Javier Lopez uu si aan cabsi ku jirin saxaafada ugu sheegay inuu Puntland u yimid  sidii Hay’adda ICAO wada tashi ugala samayn lahayd Puntland sidii Maamulka Hawada Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Masuuliyiintaan ka socday ICAO ayaa sheegay in Hay’adda UN-ka u qaabilsan Maamulida Hawada ay si qoto dheer ugala shaqeyn doonto Dawladda Federaalka iyo Dhamaan Maamul goboleedyadaba Dalka ka jira.

Hay’adda ICAO ayaa muujisay in Soomaaliya Dawladi ka jirin, KMG-nimo iyo Ka bixitaanka KMG-nada aan hay’adaha caalamku waxba ka bedelin qaabka ay ula dhaqmayaan Soomaaliya. Hay’adda ICAO iyo madaxdeeda oo Maamula Dhaqaalaha Faraha badan ee kasoo xarooda Hawada Soomaaliya laga soo bilaabo 1991-dii ayaaba noqotay mid iyagu leh go’aanka Hawada Soomaaliya iyo Maamulkeedaba iyaga oo dawlada Federaalka Soomaaliya u gacan u dhaafaya Maamulada Gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mr. Saciid Qoorsheel ayaa kasoo jeeda Maamulka Puntland, balse Mr Saciid Qoorsheel ma metelo Puntland, wuxuu Hay’adda ICAO ka ogolaaday inay si ka madax banaan ula xiriiraan Maamulka Puntland! Xildhibaanada Kasoo jeeda Beelaha Hawiye, Digil/Mirifle, Beesha 5-aad iyo Beesha Mariixaan ebid ma weydiin Xildhibaanada Beel ahaan iyo Gobol ahaan kasoo jeeda Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba Sababta aysan u metelin Gobolada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan oo ay uun shirkada kula yihiin go’aan ka gaarista Gobolada kale iyo Caasimada Muqdisho.

Hay’adda ICAO ayaa go’aansatay inay dayactirto qaar ka mid ah garoomada Gobolada Soomaaliya oo Kala ah Hargaysa, Boosaaso, Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho, lacagta garoomadaan lagu dayactirayo waxaa iska leh Soomaaliya balse go’aankeeda waxaa leh Ajaaniibta Maamusha ICAO, Xildhibaanada Kasoo jeeda Gobolada Kale ee Soomaaliya sida Beelaha Hawiye, Digil/Mirifle, Beesha 5-aad iyo Beesha Mariixaan uma doodaan Xuquuqda Garoomada Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Beledweyne, Jowhar, Sh/hoose, Xudur iyo Gedo Goboladaan oo dhamaan xor ah.

Maxaa u diidey Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha aan lahayn Maamul Goboleedyada ka madax Banaan Dawladda Federaalka Soomaaliya inay weydiiyaan Xildhibaanada, Wasiiradda iyo Madaxda kale ee Dawladda oo aan metelin Goboladooda inay masuuliyiintaasi noqdaan kuwo metela si dhab ah Gobolada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan ama aysan go’aan ku yeelan Gobolada  iyo Beelaha kale arimaha quseynaaya.

Xildhibaanada Kasoo jeeda Muqdisho gaar ahaan Beesha Hawiye sida Cabdulqadir Cosoble, Cabdulqadir Cali Cumar, Cumar Finish, Dhegey Geele, Cabdulqadir Macalin Nuur, Kabaweyne, Cabdisamad iyo kuwo kale oo badan oo shaqo ka dhigtay inay uun canbaareeyaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah kuwo ugu liita Soomaaliya maadaama siyaasiyiin iyo Xildhibaano goboladooda, Beelahooda, siyaasadooda iyo dhaqaalahooda u madax banaan ay Dalka Soomaaliya oo Federaalka lagu yahay uga dhigeen Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada iyo Wasiirada aan Metelin Beelahooda iyo Goboladooda ayaa iyagu ah kuwo Maamula Dhaqaalaha iyo Siyaasada Magaalada Muqdisho iyo Go’aanada siyaasadeed ee Gobolada kale oo aan Maamulada lahayn. Xildhibaanadaan ayaa ah kuwo bartilmaameed ka dhigtay joojinta Horumarka Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaanadaan oo helay xildhibaano aan maskixiyan qaangaarin, iyaga oo caqliga iyo Maskaxda ka xaday Caado qaatayaalka mooda inay xildhibaan u yihiin naftooda iyo Danahooda gaar ahaaneed.

Su’aasha isweydiinta mudani waxaa ay tahay Maxaa Caasimada Muqdisho u diidaya in laga Maamulo Hawada Soomaaliya mar Hadii Canshuurta iyo Siyaasadda Muqdisho Maamulayaan Xildhibaano kasoo jeeda dhamaan Beelaha iyo Gobolada Soomaaliya! Miisaaniyada Mushaarka laga siiyo Xildhibaanada ka timaado Muqdisho, Miisaaniyada Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka ka timaado Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com