Xildhibaan si aad ah u mucaaradsanaa Xasan Sheikh oo ka laabtay mooshinka

Muqdisho(Caasimada Online) – Waxaa maalmihii lasoo dhaafay socday qorshe kulamo kala duwan ay ku yeelayeen madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibanada ayaa horay u dalbaday in xilka uu isaga tago madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, kadib markii ay sheegeen inay ka dhabeyn waayay balanqaadkii uu sameeyay markii doorashada ay socotay.

Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah xildhibaanadii mooshinka ka diyariyay madaxweynaha dalka ayaa sheegay inuu go’aankaasi ka laabtay.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay wanaagsan iminka in fursad la siiyo madaxweynaha dalka Soomaaliya, si buu yiri uu kaga dhabeeyo balanqaayadii uu horay u sameeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale xildhibaan Gaarane ayaa sheegay in muhiim ay tahay in fursad la siiyo hayadaha amniga si ay wax u dhaqaajiyaan iyo in xildhibaanada baarlamaanka ay howshooda gutaan, sida uu xildhibaanka sheegay.

Ugu dambeyn xildhibaan Cabdi Naasir Gaarane ayaa sheegay in kalsooni la helaa ay tahay horumar uu gaaro dalkeena Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com