Xoosh Jibriil oo xog ka duwan tii hore ka bixiyey khilaafka madaxda Somalia

Muqdisho(Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka ka dhextaagan madaxda sare ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in khilaafkaasi uu ka dambeeyay markii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya madaxweynaha dalka ay ka dalbadeen inuu xilkaasi isaga dago, maadaama ay sheegeen inuu wax ka qaban waayay xaalada dalka.

C/raxmaan Xoosh, ayaa sidoo kale sheegay in dalabkoodii uu sababay khilaafka xoogan ee iminka ka dhextaagan madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya, wallow warar Caasimada ay helayso ay sheegayaan in khilaafka uu salka ku hayo Wasiirkii iska casilay xilka wasaarada amniga.

“Khilaafka wuu jiraa, maxaa yeelay dowlad loo sacbinayo meel ma gareyso baarlamaanka waa inuu la xisaabtamaa dowlada, marka dalabkeenii ayaa la isku fahmi waayay”sidaasi ayuu yiri xildhibaan Xoosh.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa cadeeyay in waajib ay tahay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay la xisaabtamaan dowlada Soomaaliya, dalabkoodiina uu ku yimid kadib markii ay meesha ka waayeen balanqaadyadii ay ka sugayeen madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo saacadihii ugu dambeeyay qaar kamid ah xildhibaanadii mooshinka ka keenay madaxweynaha dalka ay ku dhawaaqeen inay daladkoodii hore ka laabteen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com