Maraykanka oo is-beddel ku sameeyay siyaasadiisa Soomaaliya (War cusub)

Washington DC (Caasimada Online)-Dowladda Maraykanka ayaa isbadal ku sameeyay siyaasadeeda ku aadan arrimaha Soomaaliya,iyagoona kalkan si toos ah ula macaamilaya dowladda dhexe.

Tan iyo markii kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee Afrika, ay sheegtay in madaxweyne Obama uu dhawaan magacaabi doono safiirka u fadhiya xukuumadda Wanshinton magaalada Muqdisho, in uu isbadal ku dhacay hannaanka siyaasadda ee kula macaamilo Soomaaliya.

Waxaa muuqda in uu beesha ka baxay siyaasadii la oran jiray (Dual Track Policy) oo ah siyaasad labo geesood ah taasoo maraykanka si isku mid ah ula dhaqmi jiray dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada ka dhismay dalka, taasoo micnaheedu uu yahay in si carruur isla eg oo kale uu ula dhaqmaayay.

Maraykanka ayaa isbadal ku sameeyay siyaasadiisa ku aadan Soomaaliya, oo wixii hadda ka dambeeyay dowladda dhexe ayuu kala xiriiri doonaa wax kasta oo ku aadan arrimaha Soomaaliya, balse waxaa meeshaas ku jirtay in dowladda dhexe ay la timaado hannaan ay kula dhaqanto maamul gobaleedyada dalka oo qaar badan aanu xiriir badan kala dhexeynin.

Windy Sherman oo ah haweeneyda u qaabilsan arrimaha dibedda ayaa markii ay ka hadleysay dhawaan Washington sheegtay in Maraykanka uu diyaar la yahay siddii uu u caawin lahaa Soomaaliya balse wax kasta oo horrumar ama dib u dhac ay ku jirto gacanta dadka Soomaalida oo looga baahan in ay heshiiyaan oo ka faa’ideestaan kheyraadka ka buuxa dalkooda iyo dadkooda.

Maraykanka ayaa horrey u taageeray dowladda Soomaaliya, waxaana uu ballan qaaday in uu ka qeyb qaadan doono dib u dhiska dalka ku yaalla geeska Afrika oo muddo ku dhow 25-sanno ay ka socdeen dagaallo sokeeye oo dad badan meertay.

Maxaa keenay in xilligan Maraykanka uu safiir u soo magacaabo Soomaalia?

Sidda uu lee yahay Cabdiraxmaan Ceynte oo ah madaxa machadka siyaasadda iyo fallanqeynta Heritage ee saldhigiisa uu yahay Muqdisho, waxaa muuqata in Maraykanka uu daneenaayo siddii uu xiriir dhow ula yeelan lahaa dowladda Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in Maraykanka sa uu saluugsan yahay qaabka ay hadda wax u socdaan kaasoo aan muujineynin qorshaha la rabo in la gaaro 2016-ka kaasoo ah in qof kasta uu codkiisa ku rido sanduuq si uu soo doorto madaxweyne cusub.

Mr. Ceynta ayaa sheegay haddii dowladda aysan waxbo ka badalin sidda ay hadda wax u socdaan in laga yaabo in ay meesha ka baxdo taageerada beesha caalamka ay siiyaan dowladda Soomaaliya iyo in laga jaro dhaqaalaha la siiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Caasimada@live.como