Dagaal ka dhex qarxay beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal iyo DF oo hadashay

Marka (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka arrimaha ammaanka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda deeganka Shalanbood ee gobalka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhexeeya beelaha Habar-gidir iyo Biyo-maal.

Wasiir Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa tilmaamay in xaasada ka taagan Shallanbood ay dowladda ka xuntahay isla markaana ay ku baaqeyso in si shuruud la’aan loo joojiyo haddii kale ay dowladda tellaabo qaadan doonto.

Wuxuu sheegay in ifafaalaha muuqda uu yahay mid aaney farxad galineynin dowladda, isagoona intaas ku daray in ay ka xun yihiin dadka rayidka ee lagu kor dagaallamayo ee aan waxbo galabsan kuwaasoo qaar badan ka barakacay guryahooda.

Wuxuu sheegay oo kale in ay la hadleen mas’uuliyiinta gobalka Shabellaha Hoose iyo labada maleeshiyo ee ku dagaallamaya maalintii labaad Shalanbood si loo joojiyo dagaalka ka socda deeganka Shalanbood.

Hadalkan ayuu wasiirka ka sheegay munaasabad uu xilka wasiirka ammaanka uu si KMG kula wareegayay taasoo ka dhacday Muqdisho.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka warbiyay dagaalka dib uga qarxay beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir, wuxuuna sheegay in dagaalladaas ay ahaayeen kuwo daba socoday dagaallo horrey uga dhacay gobalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in labada beel ay kala tabanayaan wax yaabo badan oo soo maray 23-kii sanno ee la soo dhaafay isla markaana ay adag tahay in sahsalan xal loogu helo.

Mar uu ka hadlaayay khasaaraha ka dhashay dagaalka wuxuu sheegay in afar qof ay ku dhinteen oo labada dhinac ah iyo shan dhaawac ah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.como