GUULEED oo codsaday cafis isagoona caddeeyay sababihii uu isku casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee ammaanka qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in xilka uu iska casilay 24-kii bishii horre ay ku timid go’aan uu qaatay ee aaney jirin wax culeys ah ama cadaadis ah oo la saaray.

Wuxuu sheegay in wasaaradiisa ay tahay wasaaradda ugu shaqada badan wasaaradaha xukuumadda oo aaney hal qof waxbo ka qaban karin dedaal kasta oo uu muujiyo.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay iska cafiyaan haddii ay jiraan wax ay ka tabanayaan muddadii uu xilka hayay.

Wuxuu sheegay in wax kasta oo dhacay ama isaga sameeyay ama uu amarkeeda lahaa oo la dhibay dadweynaha ay kaliye ahaayeen siddii wax loo wanaajin lahaa.

Dad badan ayaa aaminsanaa in dhaliilaha ugu weyn ee loo jeediyay dowladda Xasan Sheekh ay ahayd iyadoo ku guul dareesatay ammaanka caasimada oo u muuqday mid faraha ka baxay.

Waana tan keentay in uu is casilo wasiirkii horre ammaanka qaranka,oo xiriir dhow ay lahaayeen Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa isna sheegay in xukuumadda ay billowday qorsha shacabka lagala tashanaayo ammaanka caasimada.

Wuxuu sheegay in qorshahaas uu shaley billowday isla markaana uu gar wadeen ka yahay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com