Sawirro: Maraakiib dagaal oo ku xirtay Muqdisho & taliye Turkish ah oo tagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar ka mid ah maraakiibta dagaalka ee dalka Turkiga, ayaa maanta waxay ku soo xirteen Dekeda Magaalada Muqdisho, iyadoo ay la socdeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda ee Turkiga.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxay ku qaabileen Dekeda Caalamiga ah ee Muqdisho, waxaana suurta gashay in Madaxdu ay Ciidamada Turkigu kula qadeeyaan mid ka mid ah maraakiibtaasi.

Maraakiibtaan, ayaa waxay sideen deeq daawo ah oo uu Turkigu ugu talla galay in loogu adeego isbitaalada uu ka hirgeliyay Magaalada Muqdisho, iyadoo daawooyinkaan lagu sheegay mid si gaar ah kaga timid Ciidamada Badda ee Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si weyn Turkigu ugu ammaanay taageeradiisa ku aadan Somaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Ciidamada Badda ee Turkiga ka gudoomay deeqda daawada ah, ee ay ugu talla galeen in wax loogu qabto shacabka Somaliyeed, kuwooda xanuunsanaaya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu tilmaamay in tani ay sii xoojineyso kalsoonida iyo xiriirka walaaltinimada leh, ee labada dalka, isla-markaana ay kaga mahadcelinayaan.

Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidamada Badda ee Turkiga ee maanta tagey Dekeda Muqdisho, ayaa waxa uu isna sheegay in maanta ay soo celinayaan xiriirkii boqolaal sano ka hor, ay lahaayeen Somaliya iyo Turkiga.

tg1tg2tg3tg4tg5tg6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com