XOG: Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli oo isu soo dhowaaday iyo Xasan oo laba wasiir loo ogolaaday + Magacyadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, inay isu soo dhowaadeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, oo khilaafkooda markii hore salka ku hayay isku shaandheen la rabo in lagu sameeyo golaha wasiiradda xukuumadda.

Waxaa muuqata in madaxweynaha loo dhaafay labo wasiir oo ugu jirra xukuumadda kuwaasoo kala wasiirka caddaaladda iyo garsoorka Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahu Goodax Barre.

Labadan wasiir ayaa la sheegay in ay soo laaban doonaan oo ay ka mid yihiin xubnaha wasiiradda cusub ee xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha ayaa loo madax baneeyay in uu soo magacaabo wasiiradda kale oo uu ku jirro wasiirka ammaanka qaranka oo dhawaan uu iska casilay xilkaas Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Isku shaandheenta golaha wasiiradda cusub ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalmaha soo socda, waxaana ilaha aan warkan ka soo xiganay ay lee yihiin wasiirka gaashandhigga waxaa ay noqon doonaan mid ka mid ah taliyihii horre ee hey’adda Khaliif Irig iyo taliyaha hey’adda CID Gen Kadiye.

Labadan nin ayaa la sheegay in ay isku qabiil yihiin oo ay isku dhow yihiin wasiirkii horre ee ammaanka qaranka.

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan guux ballaaran oo ku aadan cidda loo ,magacaabayo wasiirka ammaanka qaranka oo hadda xilkaas bannaan iyo khilaafka ka dhex aloosan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kaasoo hadda si weyn u soo ifbaxay.

Khilaafka labada nin ayaa curyaamiyay wax yaabo badan oo la rabay in la qabto labadii bilood ee la soo dhaafay sidda ay lee yihiin xeel dheerayaasha siyaasadda Soomaalida.

Inkasta oo isu soo dhowaansho uu jiro iminka, ayaa haddana waxa ay xaaladdu is-beddeli kartaa saacad kasta, sidii horey looga bartay madaxda Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com