“Haddii ay SOMALILAND garab fariisato C/weli Gaas & Madobe shirka Sweden, waxay ka mid noqoneysaa federaalka”

Stockholm (Caasimada Online) – Khadar Biixi oo ka mid ah odayaasha Somaliland ee ku dhaqan waddanka Sweden; sida uu sheegayna safka hore kaga jira dadkii ugu horreeyey ee ka qeybqaatay ololaha madax-bannaanida Somaliland, ayaa ku dhaliilay dowladda Somaliland ee uu madaxda ka yahay Siilaanyo inay la fadhiisato shirka ka dhacaya Stockholm Sweden wax uu Biixi ku tilmaamay maamulo ka wakiil ah beelahooda.

Khadar Biixi oo durayey hogaanka Somaliland wuxuu sheegay in madaxda Somaliland ey siyaasadda ay ciyaarayaan iyo waxa ey dadkooda u sheegayaan in ey af iyo uur kala duwan, isaga oo hoosta ka xariiqay in Somaliland haddeey ka qeybgasho shirka Sweden taa macnaheedu tahay in ey Soomaaliya ka mid tahay.

“Xafladii 18-kii Mey 2014 ee ka dhacay Sweden, waxaan ku aragnay wax aan aad ugu faraxno oo aan ka dhadhansano in Qaranimada Somaliland ey albaabka isi soo taagtay, markii aan aragnay calankeenii oo laga taagay Sweden, farxadii aan ka qaadnay waxey isku bedeshay niyad jab taas oo ugu wacan markii aan ka war-helnay in Somaliland ay ka mid tahay dhinacyada ka qeybalaya shirka Sweden ka dhacaya” ayuu yiri Khadar, wuxuuna sheegay in Somaliland looga baahan yahay in ay adduunka ula macaamisho sida dal gaar ah oo Soomaaliya ka madax-bannaan.

“Annaga oo Qaran ah inaan soo garab fadhiisano maamul beel metelaya; waxaan u aragnaa in ay tahay dowladnimadii aan raadineynay oo aan gacmaheena ku burburineyno. Inaan garab fadhiisano Gaas & Axmed Madoobe oo beelo u taliya, taasi waxey muujineysaa in Somaliland ay ku hoos jirto federaalka” ayuu yiri Khadar.

Khadar wuxuu kale oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadacsan tahay shirka Sweden; sidaa daraadeedna shirka ay soo xaadirayaan maamuladaasi oo keliya.

“Dowladda Somaliland waxaan ka codsaneynaa inay noo kala cadeysno inaan hoos imaano dowladda Soomaaliya iyo inaan nahay Qaran madax bannaan nahay, waa fadeexadii ugu weyneyd ee nagu habsata haddii aan nahay Somalilanders-ka ku dhaqan Sweden” ayuu yiri Khadar Biixi, wuxuuna intaa ku daray in khilaafka ka dhexeeya xubnaha xisbiga Kulmiye inuu jiho wareer ku riday Somaliland.

“Inta aad isku xagxaganeysaan xisbiga Kulmiye waxaad ilowdeen dantii Qaranka waxaadna naga dhigteen maamulo beeleed. Dowladdii Soomaaliyeed ayaa diiday in ay ag fadhiisato maamul goboleedyo qabiil ka tarjumaya, annaga oo Qaran sheeganeyna haddii aan la fadhiisano waxaan la mid nahay Jubba & Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Stockholm
Caasimada@live.com