DF Somalia oo faah-faahin ka bixisay sababta ay u qaadacday shirkii Nairobi

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay sababaha ay ku qaadacday shirkii seddax geesood ahaa oo looga hadlaayay qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Wasiirka arrimaha dibedda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa BBC-da u sheegay, in shirkaas ay uga baaqdeen markii ay arkeen sidda xun ee loola dhaqmaayo muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Islii ee Nairobi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan gabi ahaan ka bixin heshiiska ay la galeen Kenya iyo UNHCR ee dib loogu soo celinaayo qoxootiga Soomaalida dalkooda balse loo baahan yahay in sharraf iyo bini’aadinimo leh loola dhaqmo muwaadiniinta Soomaalida.

Wuxuu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in 15-ka bishan la qabto shirka looga hadlaayo dib uu soo celinta qoxootiga Soomaalida.

“Kama aanan bixin shirkaas ee waxaan qoonsanay markii aan aragnay sidda xun ee loola dhaqmaayo muwaadiinteena teeda kale suurta gal ma ahan waqtigan” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sheegay oo kale in ay qasab tahay in la hubiyo ammaanka dadka la soo celinaayo ee la keenayo dalka, isagoona intaas ku daray in labada dal ay dan ugu jirto siddii qaab haboon loola dhaqmi lahaa qoxootiga.

Dhinaca kale, wasiirka wuxuu ka hadlay tallaabada dowladda Maraykanka ay safiir ugu soo magacaabeyso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay arrintaas oo dalka horrumar u horseedi karta, maadama dalka Maraykanka uu ugu horeeyo waddamada ugu quwada weyn adduunyada.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha maalmaha soo socda uu jadwalkiisa shaqo aad u buuxo oo safiiro badan ay ka doonayaan in uu ka guddoomo warqadahooda danjirino.

Wuxuu kaloo sheegay in xal uusan ugu jirin ciidamo shisheeye Soomaaliya oo aaney ammaanka dalka waxbo ka qaban karin.

“22kun oo ciidan ayaa ku sugan dalka, dalka oo dhan gacanta kuma hayaan, markii aan lahayn 22kun oo askari waxaan ka mid ahayn dalalka ugu ciidanka wanaagsan adduunyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com