Xiisad iyo abaabul dagaal oo gobalka Sh/Hoose ka taagan (Faah-faahin)

Marka (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Biiyo-maal iyo Habar-gidir.

Goobjooge la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada lagu arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadidka dagaalka kuwaasoo raba in ay ka qeybgalaan dagaallada dib uga qarxay deeganno hoostaga gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay oo kale in aanu jirin wax dedaal ah oo lagu qaboojinaayo dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose gaar ahaan Marka.

Dhinaca kale, waxaa kaloo xiisad collaadeed laga soo sheegayaa deegannada Buufow iyo Shallanbood oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin maamulada ka dhisan Marka iyo Lambar 50, kuwaasoo kala taageersan labada maleeshiyo ee ku dagaallamay gobalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday gobalka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in goobaha lagu dagaallamayo ay ka billowdeen barakac xooggan oo waxaa la arkayaa dadweyne fara badan oo ka baxsanaya dirirta ka soo cusboonaatay gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com