Washington (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah iyo hawlgallada milatari ee ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira in looga hortago in kooxaha xagjirka ah ay helaan fursad ay ku qorsheeyaan weerarro ka dhan ah amniga gudaha Mareykanka.
Hadalkan waxaa shaaca ka qaaday Jeneraal John Brennan, oo ah Taliye Ku-xigeenka Taliska Milatariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), isagoo ka digay “khataro la xiriira Daacish” oo ka soo unkamaya shabakado ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo hiigsanaya inay abaabulaan weerarro ka dhaca Mareykanka iyo Qaaradda Yurub.
Jeneraal Brennan ayaa sheegay in istiraatiijiyadda Mareykanka ay tahay in cadaadis joogto ah la saaro xarumaha kooxahan, si loo carqaladeeyo awooddooda qorsheynta hawlgallo waaweyn.
“Marka koox argagixiso ah oo haysata dhaqaale, sida Daacish oo kale, la siiyo waqti iyo fursad, waxay geysan karaan weerarro halis ah,” ayuu yiri Jeneraalka, isagoo raaciyay in cadaadiska joogtada ah uu ku qasbo kooxahaas inay ku mashquulaan badbaadinta naftooda halkii ay qorsheyn lahaayeen weerarro dibadda ah.
Taliska AFRICOM ayaa beegsanaya dagaalyahannada xiriirka la leh kooxda Daacish iyo Al-Shabaab, kooxdaas oo gacanta ku haysa qaybo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, isla markaana dagaal kula jirta dowladda Federaalka iyo ciidamada amniga.
Taliye Brennan ayaa xusay in diiradda la saaray dhaq-dhaqaaqyada xagjirka ah ee ka soo wareegaya Bariga Dhexe una soo gudbaya Qaaradda Afrika. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay joogitaanka hoggaamiyeyaasha Daacish ee silsiladda buuraha Golis ee Puntland, halkaas oo uu sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, iyo xubno kale oo muhiim ah.
Mareykanka ayaa sheegay inay si adag u baadi-goobayaan Muumin si meesha looga saaro “gabbaad kasta” oo ay kooxdu ku badbaadi karto.
Isagoo ka hadlayay qaabka hawlgallada, Brennan wuxuu sheegay in kaalinta Mareykanka ay isu beddeshay mid ku dhisan “talo-siin iyo caawinaad fog”, iyadoo ciidamada Soomaaliya ay fulinayaan inta badan hawlgallada dhulka, halka Mareykanku uu bixinayo taageero dhanka sirdoonka, sahanka, iyo duqeymaha cirka.
Dhinaca waqooyiga dalka, Brennan ayaa ammaanay guulaha ciidamada Puntland, isagoo sheegay inay dib u qabsadeen dhul ballaaran oo ay horay u maamulayeen dagaalyahannada Daacish. Hawlgalladaas oo gacan ka helay sirdoonka iyo duqeymaha Mareykanka ayaa lagu guuleystay in lagu qabto xubno ka tirsan kooxda iyo agabkoodii.
Mar uu ka hadlayay Al-Shabaab, Jeneraalka ayaa ku tilmaamay inay weli yihiin khatarta ugu weyn ee dalka ka jirta, isagoo ku sifeeyay inay yihiin garabka ugu awoodda badan uguna dhaqaalaha roon ee shabakadda Al-Qaacidda, iyagoo leh damac ah inay qabsadaan Muqdisho ayna xukunkooda ku baahiyaan Soomaaliya oo dhan.
Wuxuu sidoo kale soo bandhigay walaac cusub, isagoo sheegay in Al-Shabaab ay billaabeen inay xiriir iskaashi la sameeyaan kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Tallaabadan ayaa la rumaysan yahay inay Al-Shabaab u furi karto waddo ay ku helaan dhaqaale iyo khibrad dheeri ah, in kasta oo diiraddoodu ay weli saaran tahay gudaha Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Mareykanka ayaa sheegay inay xoojinayaan iskaashiga ay la leeyihiin dowladaha gobolka iyo maamullada maxalliga ah si loo joogteeyo cadaadiska saaran kooxahan.

