Mareykanka oo shaacinaya magacyada siyaasiyiinta diidan doorashooyinka

Washington (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisa ay ugu yeertay magaalada Washington, si uu warbixin uga siiyo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.

Yamamoto ayaa hadalkan ka sheegay kulankii shalay ee beesha caalamka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna sheegay inuu si qoto dheer uga warrami doono xaaladda cakiran iyo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisa uu u bandhigi doono magacyada siyaasiyiinta Soomaalida ah ee diidan doorashada ama ka caga-jiidaya.

Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in aysan ku mashquulin siyaasadda, isla-markaana ay eegayaan bad-baadada dalka iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

“Mareykanka wuxuu wali wadaa howlgalada milatari ee wadajirka ah ee ku taageerayo ciidanka Xoogga dalka SNA. Talaadadii askari ayaa nooga dhintay gudaha Soomaaliya. Soomaalidu waa in ay wajahdaa AlShabaab oo aysan ku mashquulin meelo kale” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad kala guur ah oo daba-dheeraaday, waxaana haatan dib u billowday wada-hadallo loogu gogol xaarayo, sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.`