Dalalka G7 oo hanjabaaddii ugu cusleyd kasoo saaray is-mari waaga Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamada ku bahoobay Ururka G7 ee awoodda warshadaha iyo dhaqaalaha ayaa bayaan ay si wadajir ah usoo saareen waxa ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya, iyagoo walaac ka muujiyey is mar-waaga doorashooyinka.

Ugu horeyn dowladaha G7 ayaa soo dhoweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee dib uga noqoshada muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, iyaga oo intaasi ku daray in xal laga gaari karo oo kaliya wada-hadallada haatan dib u billowday.

“Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd dib u billaabista wadahadallada u dhexeeya dowladda Federalka iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la dhameystiro hannaanka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii September” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay shirkii ay yeeshiin wasiiradda horumarinta iyo arrimaha dibadda ee dalalka la’isku yiraahdo G7.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in todobadan dal aysan taageeri doonin doorashooyin is bar-bar socda, isla-markaana horseedi kara xasilooni darro.

Dalalka G7 ayaa ku booriyey madaxda Soomaaliyeed inay is xakameeyaan, iyaga oo uga digay inay qaadaan tallaabo keeni karto isku dhacyo iyo dib u noqosho dambe.

“Waxaan hoosta ka xarriiqeynaa in aynaan taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan, waana muhiim in dhammaan dhinacyadu ay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa markale lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wadamada G7.

Ugu dambeyn dalalka ku jira ururka G7 ee kala ah Canada, France, Germany, Italy, Japan, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ku goodiyey inay wax ka bedali doonaan qaabka ay ula macaalimaan Soomaaliya, haddii aysan isbedal dhab ah la imaan madaxda Soomaalida.

“Haddii ayna taasi dhicin, waxay horseedi doontaa in bulshada caalamku wax ka bedesho qaabka ay u wajaheyso Soomaaliya” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibada ee dalalka ku bahoobay G7, kaas oo Chinach kale soo dhaweysay Egayga Gaarka ah ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa, iyagoo sheegay inay taagerayaan dadaallada xal u helista arrimaha Soomaaliya”,.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo mucaaradka, waxaase haatan socda wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac oo xal looga gaaro khilaafka ka jira dalka.