Sawirro: Saciid Deni oo la kulmay wafdi ka socda QM

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta xafiiskiisa Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey madaxa xafiiska Qaramada Midoobey ee deegaanada Puntland, Guy Griffin.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan ee Puntland, gaar ahaan wada shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo maamulkaasi.

“Kulanka oo looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Puntland.

Sidoo kale intii uu socday kulankan ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii ay QM kaalin uga geysan laheyd caawinta dadka uu saameeyay roobabkii ka da’ay Puntland.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo aadaya, xilli Puntland ay dhowaan qeylo dhaan u dirtay hay’adaha caalamiga ah, si gurmad deg deg ah loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan.